U bood dhigaalka

Colaadda Luuq oo Barakac Ba’an keentay iyo Gurmadka oo Caqabado wajahaya

Dagaal beeleedyada ka socda degmada Luuq ee Jubaland tan iyo bishii Luulyo 2024 ayaa sababay barakaca 30,000 qof, iyadoo dadkaasi ay hadda wajahayaan xaalad bani’aadamnimo oo halis ah.

Dadka barakacay ayaa si degdeg ah ugu baahan raashin, hoy, biyo, adeegyo caafimaad, iyo fayadhowr.

Inkasta oo dadaallo nabadeed ay socdaan, amni darradu weli way taagan tahay, taas oo dhibaato ku haysa gaarsiinta gargaarka hay’adaha bani’aadamnimo ee ku howlan taakuleynta dadka dhibaateysan.

Meelaha ay joogaan kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn ayaa gaar ahaan noqday kuwa adag in la gaaro.

Barakaca iyo Meelaha ay Dadka u Qaxeen

Dadka barakacay oo lagu qiyaasay 30,000 qoys Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey ee OCHA ayaa u kala firxaday meelo kala duwan. Qaar badan ayaa ku sugan:

Goobo ku dhow magaalada Luuq, sida Yurkud iyo Ceelbon

Gudaha Luuq iyo Xero Kowad, oo ku taalla waddada aada Doolow.

Waxaa la ogaaday in dadka barakacay ku sugan yihiin 28 goobood, waxaana 16 kamid ah meelahaas marar badan dib loo barakacay.

Wararka laga helayo dhulkaas ayaa sheegaya in 900 qoys oo ku noolaa deegaannada Neebsoy iyo Bashiro ay markale u qaxeen Yurkud iyo Ceelbon.

Khasaaraha Nolosha iyo Xaaladda Amniga

Rabshadihii ugu dambeeyay ee dhacay 20-kii Oktoobar ayaa sababay dhimashada lix qof, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay rabshadahan ka dhigaysa sagaal qof tan iyo markii colaadu billaabatay.

Inkasta oo maamulka iyo odayaasha dhaqanku wadaan dadaallo nabadeed, xaaladda amniga wali way kacsan tahay, taas oo saamayn taban ku leh gargaarka.

Gurmadka iyo Caqabadaha Horyaalla

Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabay qorsheynta caawinta dadka barakacay, iyagoo isku dayaya in ay ogaadaan halka dadkaasi ku sugan yihiin. Hay’ad ka shaqeysa gargaarka bani’aadamnimada ayaa durba bilaabay diiwaangelinta qoysaska si loo siiyo raashin iyo lacag gargaar ah, iyadoo qorshuhu yahay in 2,000 qoys la caawiyo. Hase yeeshee, amni darrada ayaa xaddidaysa hawlgalada, taas oo yaraynaysa in adeegyo muhiim ah la gaarsiiyo dadka u baahan.

Dhibaatooyinka ka dhashay colaadda ayaa sidoo kale saameeyay waxbarashada caruurta, iyadoo iskuullada qaar ay hakad galeen. Qoysaska barakacay ayaan weli helin adeegyada aasaasiga ah sida hoy iyo biyo nadiif ah, taasoo xaaladda bani’aadamnimo uga sii dareysa.