U bood dhigaalka

Ugu yaraan 15 maxbuus oo ku dhintay rabshado ka dhacay xabsi ku yaalla dalka Ecuador

Ugu yaraan 15 maxbuus ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xabsiga ku yaalla dalka Ecuador , sida ay sheegtay waaxda xabsiga ee dawladdu.

” xaafad ku taal xerada ciidanka Asluubta, waxaa laga soo sheegay shilal halis ah oo dhex maray maxaabiista, taasoo keentay dhimashada horudhac ah oo ah 15 dhimasho ah iyo 14 dhaawac ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Asluubta.

Muuqaallo laga soo duubay goobta oo ay baahisay wakaalada AFP ayaa muujinaya tiro Maxaabiis ah oo meydadkoodu dhulka daadsanyihiin.

Dalkan ku yaalla koonfurta amerika ayaa waxaa ku badan rabshada ay ku lugleeyihiin kooxaha maan-dooriyaha ka ganacsada, waxaana xabsiyada dalkaas ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya maxaabiista, waxaanana taniyo sanadkii  2021-kii xabsiyada dalkaas ku dhintay in ka badan 460 maxbuus sida laga soo xigtay ciidanka Asluubta.