Qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka Jubbaland oo Kismaayo ka socota
Waxaa lagu wadaa maanta in baarlamaanka Jubaland uu doorto guddoonka cusub ee baarlamaankaas.
Musharixiinta u tartamaya xilkan ayaa jeedin doona khudbado, waxaana intaa kadib la guda geli doonaa doorashada guddoonka baarlamaanka, ku xiigeenka koowaad iyo kan labaad, kaas oo uu dooran doono baarlamaanka saddexaad ee Jubaland.
Intaa kadib, waxaa la dhaarin doonaa xubnaha ku guuleysta doorashada ee ah guddoonka iyo labadiisa ku xiigeen.
Dhanka kale, gudoomiyaha Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr Mursal Siyaad Maxamed, ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlaha kale ee doorashooyinka Jubaland, gaar ahaanna qaybta musharixiinta madaxweynaha Jubaland ee 2024-ka.
Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayaa si weyn uga soo horjeestay doorashada ka socota Kismaayo.