Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha oo Guddoomiye Cusub Doortay
Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ee dhowaan ay ansixiyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah, kaas oo lagu dooranayay hoggaanka guddiga.
Doorashada oo ahayd mid gacan taag ah, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka loogu doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka guddiga loo doortay Saadiq Abshir Garaad, oo horay uga mid ahaa baarlamaanka Puntland.
Doorashadan ayaa timid xilli muhiim ah, iyadoo la rajeynayo in guddigu kaalin weyn ka qaato dhismaha hannaanka doorashooyinka dalka, dib-u-habaynta xuduudaha, iyo hormarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa loo arkaa hoggaamiye karti leh oo khibrad u leh maamulka iyo qorsheynta, halka Saadiq Abshir Garaad uu leeyahay waayo-aragnimo siyaasadeed oo ka timid waayihiisii baarlamaanka Puntland.
Labadan masโuul ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan hayโadaha dowladda si ay u fuliyaan waajibaadka guddiga.
Masโuuliyiintan cusub ayaa balan qaaday inay xoogga saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah, islamarkaana loo xallin lahaa caqabadaha ka jira xuduudaha dalka.
Guddiga cusub ayaa wajahaya hawlo adag oo ku saabsan hannaanka doorashada 2026 iyo arrimaha xuduudaha, kuwaas oo door muhiim ah ku leh mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.