Taariikh nololeedkii Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) AUN
Allaha unaxariistee waxaa dhowaan dalka Turkiga ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ahaa xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland.
Senator gaagaab Allaha u naxariistee wuxuu sanator wuxuu sanadkii 1944-tii ku dhashay deegaanka godob-jiiraan ee gobolka Nugaal, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sanadkii 1965-tii ayuu ka baxay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinaasir ama “Allaahida” oo ku yaallay aagga madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya, isla sanadkaas ayay asaga iyo 11 arday oo kale deeq waxbarasho ka heleen dalka Jarmalka, halkaas oo uu ka soo bartay cilmiga sharciga iyo Qaanuunka.
Isla dalkaas jarmalka ayuu ku diyaariyay shahaadooyinka Master-ka iyo PHD-ga, asagoo bartay maaddooyinka falsafadda iyo sharciga caalamiga ah, wuxuuna ka shaqo billaabay isla jaamacaddii uu ka baxay, asago noqday bare kaaliye ama caawiyaha macallinka.
Sanadkii 1975-tii ayuu dalka ku soo laabtay, muddo kooban oo uu dugsiga xalane tababar ku qaatay ka dibna wuxuu ka shaqo billaabay maxkamadda sare ee dalka, balse sanad ka dib oo ku beegnayd 1976-dii ayuu ku biiray xisbigii Hant-wadaagga kacaanka Soomaaliyeed oo markaas la aas-aasay.
Sanadkii 1977-dii intii uu socda dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Senator gaagaab wuxuu ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ka dibna wuxuu bare ka noqday jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyadda qeynuunka.
1978-dii markii uu dhacay afgembigii dhicisoobay ee laysku dayay in xilka looga tuuro madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, senator gaagaab wuxuu kamid ahaa dadkii loogu shakiyay inay falkaas wax ka ogaayeen, ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay, asagoo muddo 7 sano ah xirnaa.
Xabsiga markii uu ka soo baxay wuxuu ku noqday jaamacadda Ummadda, wuxuuna ka shaqaynayay isla kulliyadda qaanuunka oo uu horay uga howl-galayay, asagoo sidoo kale xubin ka ahaa xisbiga Hanti-wadaagga, waxayna xilligaa soo saari jireen wargeyskii caanka ahaa ee “Ogaal”.
Burburkii ka dib wuxuu u qaxay dalka Denmark, muddo kooban ka dibna wuxuu ku soo noqday dalka, asagoo ka mid ahaa aas-aaseyaashi Puntland, wuxuuna maamulkaas ka soo qabtay xilal uu ka mid ahaa madaxweyne ku-xegeen, wasiir maaliyadeed, iyo xildhibaan golaha wakiillada ah.
Allaha u naxariistee Senator gaagaab intii aanu geeriyoon wuxuu xubin firfircoon ka ahaa golaha aqalka sare, asagoo doorashadii sanadkii 2022 ahaa ninkii ugu da’da weynaa senatorrada ee kusimaha guddoonka ahaa intaan la dooran guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.