U bood dhigaalka

Wax ka ogow Sooyaalka dalka Suuriya iyo madaxdii soo martay

8-dii bishan December mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay 13 sanoo kacdoon iyo dagaallo lagu hoobtay ah ka dib talada ka eryeen Bishaar Al-assad oo dalkaas hoggaaminayay taniyo sanadkii 2000-dii, ayadoo asaga iyo Aabbihiis oo 29 sano iyo bilo xukunka hayay lagu tilmaamay hoggaamiyaashii ugu samaynta badnaa, uguna maamulka adkaa ee soo maray dalka ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe.

Haddaba qormadan waxaanu ku eegi doonnaa sooyaalka madaxdii soo martay Suuriya iyo waxyaabaha lagu xasuusto, anaggoo ka soo billaabi doonna markii xorriyadda dalka carbeed ee marka mid ahaan jirey awoodaha dheeli-tira hardanka gobolka ee aan dhammaadka lahayn.

Suuriya ama Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, waa dal ku yaalla galbeedka qaarad  weynta Aasiya, gaar ahaan dhanka bari ee badda Mediterranean-ka, waxaana soohdin la leh 5 dal oo kala ah Turkiga oo waqooyi ka xega, Ciraaq oo bari iyo koonfur bariba kaga beegan, Urdun ama bortooyada Jordan oo dhanka koonfureed ka jirta, iyo maamulka Israa’iil  iyo dalka Lubnaan oo labaduba galbeedka deris kala ah.

Dalkani wuxuu leeyahay sooyaal fog oo la rumaysanyahay inuu soo tixnaa taniyo markii la abuuray bini’aadamka waxaana soo maray maamullo kala duwan oo ay ugu caansanaayeen dowladihii Islaamka ee Nabiyadii suubanaa hormuudka u ahaayeen, gaar ahaan xilligii Rasuulkeenii Muxamed iyo khilaafooyinkii ka dambeeyay.

Bedka dalkan waxaa lagu qayaasaa 185,180 kmr oo laba jubaaran, halka tirada dadkiisuna ay badantahay 25 milyan oo qof, waxayna suuriyadda xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 17-kii bishii, sanadkii 1946.

Dadka ku nool dalkan boqolkiiba  80 in ka badan ayaa carab ah, halka ku dhowaad boqolkiiba 10-na ay Kurdi yihiin, inta kalena waa qowyado isku jir ah oo ay kamid yihiin calawiyiinta ay ka soo jeedaan Bishaar Al-assad iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo 54-tii sanoo la soo dhaafay dalka xukumayay.

Dhanka diimaha dadka Suuriyaanka ah 74% waa muslim Sunni ah,13% waa calawiyiin iyo Shiico kale oo caqiido ahaan iska ag dhow, 10% waxay haystaan diinta kiristaanka  ama masiixiga, halka 3% ay rumaysanyihiin madhabka loo yaqaanno “Druze”, waana koox isku magacowday muwaxiduun oo badankoodu carab ah, balse aaminsan caqiidooyin qadiimi ah.

Suuriya markii ay madax-bannaanida qaatay sanadkii 1946 illaa haatan waxaa soo maray 6 hoggaamiye oo intooda badan ku yimid afgembiyo militari iyo xukun isku dhiib aan doorasho iyo rabitaan dadweyne ku salaysnayn, waxaana ugu horreeyay Shukri Al-quutali.

Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Suuriya xorriyadda ka dib, waxa uu ku dhashay  magaalada Dimishiq sanadkii 1891-dii, waxana uu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan ee dhaqdhaqaaqyadii halganka u galay xorraynta dalka.

Shukri Waxa uu dalka madax noqday laba xilli, asagoo markii ugu horraysay madaxweyne noqday markii uu dalku xorriyadda qaatay, balse waxaa xilka looga tuuray afgambigii Xusni al-Zaim oo dhacay1949-kii, ka dibna wuxuu 1955-tii xukunka ugu soo noqday doorasho dadweyne, balse wuxuu hoggaaminta uga tanaasulay madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasar markii ay labada dal midoobeen sanadkii sanadkii 1958-dii, waxayna dowlad isku ahaayeen taniyo 1961-dii.

2) Adib Shishakli

Ninkani wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan militariga oo hogaaminayey 5 afgembi oo ka dhacay dalka Suuriya, waxa uuna hormuudka ka ahaa labo afgambi oo uu ugu caansanaa Xusni Alzaim ee dhacay 1949, asagoo xukunka hayay muddo 239 maalmood ah intaan afgembi kale dhicin 1951-dii.

1953-dii ayuu mar kale afgembi milatari xukunka ku qabsaday,waxaana uu soo rogay nidaam hal xisbi kaliya ah ,waxana uu la kulmay mucaaradad xoogag illaa ugu dambeyn doorasho looga guulaystay, taas oo uu ku soo baxay Shukri Al-quutali, waxana lagu dilay dalka Brazil 1964-kii.

3) Amiin Al-Xaafis

Ninkani wuxuu ahaa sargaal ka tirsan ciidamada, wuxuuna markii dambe noqday mid kamida hoggaamiyaashii ugu caansanaa Xisbiga Bacas ee Suuriya, sagoo xukunka qabsaday 1963-kii, waxa uuna taageeray in la xoojiyo awooda xisbiga talada haya, balse 3 sano ka dib waxaa 1966-dii xukunka  looga tuuray afgambi uu hogaaminayay saaxiibkiis Saalax Jadiid, xabsiga ayaana loo taxaabay.

4) Nour al-Diin al-Atassi

Ninkani markiisii hore wuxuu ahaa dhaqtar iyo siyaasi ka mid ah madaxda garabka bidix ee Xisbiga baad, waxa uuna xukunka qabtay ka dib afgambigii Saalax Jadiid, waxaana loo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, balse  4 sano ka dib waxaa 1970-kii xukunka ka tuuray Hafez al-Assad oo hormuud u ahaa afgembi loogu magac daray sixid maamul ,

Hafez Al-assad wuxuu ahaa Aabbaha dhalay Bishaar Al-assad, kaas hoggaanka hayay taniyo sanadkii labadii 2000, waana hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa, kaas oo 30 sano kursiga ku fadhiyay ilaa geeridiisa.

Hafeze Al-assad markii uu geeriyooday waxaa talada dhaxal ahaan ula wareegay Wiilka ku jira da’da 3-aad ee carruurtiisa oo ah Bishaar Al-assad, kaas oo 2000-dii illaa 2024 xukunka ku haysay gacan bir ah iyo qalbi aan damqan, balse ugu dambeyn 8-dii bishan talada ay ka fara maroojiyeen xoogagga Mucaaradku hadda Ruushka qaxooti ku ah.