Dalalka caalamka oo billaabay inay wada-hadallo la furaan jabhadaha qabsaday hoggaanka dalka Suuriya

Dowladaha dunida intooda badan ayaa bogaadiyay isbadelka ka dhacay dalka Suuriya, waxayna qaarkood billaabeen inay wada-xaajood xariir hagaajin ah la yeeshaan kooxahan oo markii hore intooda badani ay argagixiso u aqoonsanaayeen.
Dowladda Britain ayaa sheegtay inay ka fiirsan doonto inay liiska ururada argagixisada ka saarto kooxda Hayat Tahrir Sham, taas oo kamid xoogagga hormuudka u ah jabhadaha talada ka tuuray Bishaar Al-assad.
Sidoo kale madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inuu dhowaan booqan doono Dimishiq, asagoo sheegay in badelka dalkaas ka dhacay uu guul u yahay gobolkoo dhan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan talada laga fara maroojiyay Bishaar Al-assad oo asaga iyo Aabbihiis ay 54-tii sanoo la soo dhaafay maamulayeen dalkan ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe, waxayna dunidu isha ku haysaa hab-dhaqanka xoogaggan huwanta ah ee xukunka la wareegay.