Ruushka oo hubkii iyo saanaddii uu ka rartay Suuriya ku daabulaya dalka Libya
Sheeko:Wararka Caalamka
Ka dib markii uu is badelku ka dhacay dalka Suuriya Ruushka ayaa billaabay inuu inuu la baxo saanadda ciidan ee u taalla saldhiggiisa ku yaalla magaalada Latikiya, halkaas oo sanado badan ay ka howlgalayeen ciidanka badda Ruushku.
Shabakadda CNN ee Mareykanka laga leeyahay oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan aqalka cad iyo kuwo reer galbeed ah oo xog-ogaal u ah arrimaha sirdoonka ayaa sheegay in Ruushka uu bilaabay in uu qalabkiisa militari u daabusho dalka Libya.
Mosco ayaa xulufo ah Janaraal Khaliifa Haftar oo maamula qeybo kamid ah bariga dalka Libya, kaas oo hadda dhaqdhaaq ciidan ku howlan si uu u xaqiijiyo sheegashadiisa ah inuu gacanta ku hayo dekedda Benghazi.