U bood dhigaalka

Jarmalka oo soo jeediyay in hubka dhigis lagu sameeyo meleeshiyaadka Kurdiyiinta ah ee dalka Suuriya

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay inay lama huraan tahay in maleeshiyada Kurdiyiinta ee Suuriya hub ka ka dhigis lagu sameeyo oo ay ku biiraan ciidamada ammaanka ee dawladda cusub ee Suuriya.

ka dib wada-hadal ay kula yeelatay dhiggeeda Turkiga magaalada Ankara ayay Annalena Baerbock xoogagga kurdiyiinta Suuriya ugu baaqday inay hubka dhigaan oo ay qeyb ka noqdaan laamaha nabad-gelyada maamulka cusub ee Suuriya.

Kooxaha Kurdiyiinta ee YPG ayuu Turkigu argagixiso u aqoonsanyahay, balse Mareykanka ayaa taageero hub iyo tababarba siiya, waxayna gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi bari ee dalka Suuriya.