Afrika 2024: Sanadkii Cimilada Adag, Colaadaha Hubeysan, Cudurrada faafa iyo shilalka tahriibka
Afrika waxay wajahday dhibaatooyin aan horay loo arag sanadkii 2024, iyadoo isbeddelka cimilada, dhacdooyinka tahriibka, cudurka mpox, iyo colaadaha hubeysan ay burburiyeen qaaradda isla markaana halis geliyeen nolosha iyo nolol-maalmeedka malaayiin qof.
Heerkulka sii kordhaya, abaaraha iyo fatahaadaha ayaa sababay dhimashada iyo barakaca dad badan oo ku nool dalal kala duwan. Tusaale ahaan, biyo-xireen ku yaalla waqooyi-bari ee Nigeria oo burburay bishii Sebtembar ayaa saameeyay 1 milyan oo qof, iyadoo ugu yaraan 37 qof ay dhinteen halka in ka badan 400,000 ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka cararaan, sida uu sheegay maamulka gobolka Maiduguri.
Sidoo kale, Soomaaliya, 6.9 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo sababo la xariira Abaaraha, Fatahaadaha iyo Colaadaha hubeysan. Soomaaliya ayaa sidoo kale kaalinta ugu hoosaysa ka gashay liiska Cunnada Adduunka ee 2024 (Global Hunger Index), taasoo muujinaysa xaaladda gaajada daran ee dalka ka jirta.
Intaas waxaa dheer, dalal badan oo Afrikaan ah ayaa la kulmay shilal badan oo la xiriira tahriibka, iyadoo dad badan ay ka cararayaan colaadaha iyo saboolnimada.
Sida laga soo xigtay Caminando Fronteras (Walking Borders), oo ah urur u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Spain, tirakoobyada ugu dambeeyay waxay muujinayaan in 10,457 qof ay dhinteen ilaa 15-kii Diseembar sanadkan, iyagoo isku dayaya inay badda ku gaaraan Spain.
Waxaa sidoo kale kordhay tirada kiisaska cudurka mpox ee ka jira Afrika tan iyo bilowgii 2024kii.
Congo ayaa ah dalka ugu daran ee uu saameeyay cudurkan, waxaana Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay bishii Agoosto ku dhawaaqday inuu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo khatar ku ah caalamka.
In ka badan 1,300 qof ayaa looga shakisan yahay inay cudurka mpox u dhinteen gudaha Afrika.
Iyadoo ay jiraan caqabadahan kor ku xusan, qaaraddu weli waxay la daalaa dhacaysaa dagaallo iyo rabshado hubeysan oo sababay dhimashada kumannaan qof, barakaca malaayiin kale, burburinta dhaqaalaha, iyo dhibaatooyin bini’aadanimo oo joogto ah.
Afrika waxay leedahay tirada ugu badan ee colaadaha hubeysan , iyadoo in ka badan 35 colaado hubeysan oo aan caalami ahayn ay ka socdaan Burkina Faso, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Congo, Itoobiya, Mali, Mozambique, Nigeria, Senegal, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan. Dhibaataada waa kooxo oo la dagaallamaya ciidanka Amniga ama dhexdooda.
Kazeem Olalekan, oo ah cilmi-baare ku takhasusay ammaanka iyo cimilada, ayaa sheegay in dowladaha Afrika aysan si dhab ah uga shaqeyn wax ka qabashada caqabadaha cimilada iyo dhibaatooyinka kale ee amni.
“Arrinta ku saabsan faafitaanka hubka fudud iyo kuwa yaryar waa caqabad weyn oo aanay madaxda siyaasadda u arkin inay muhiim tahay in wax laga qabto, taasoo si weyn u saameysay nolol-maalmeedkeenna. Guud ahaan, waxaad arki doontaa in dowladaha aysan wax badan ka qaban fulinta shuruudaha heshiiska bulsho ee ay si ikhtiyaar ah ugu saxiixeen shacabka,” ayuu u sheegay Anadolu.
“Dhibaatada caafimaadna way jirtaa. Haddana, maamuladu ma bixiyaan wax nooc ah oo caymis caafimaad ah oo loogu talagalay dadka, sidoo kalena ma maalgashanayaan waaxda caafimaadka taasoo sii adkeyneysa dhibaatooyinka caafimaad. Haddii loo socdo horay, dowladuhu waa inay feejignaadaan oo ay arkaan muhiimadda ay leedahay in nolosha dadka laga dhigo mid la awoodi karo. Ammaanka iyo daryeelka shacabka waa in la siiyaa mudnaanta ugu sarreysa.” ayuu yiri mar kale.
Khabiiradu waxay sidoo kale ku booriyeen bulshada caalamka inay xoojiyaan dadaallada lagu heshiisiinayo, lagu taageerayo xalinta khilaafaadka, laguna wajahayo asbaabaha aasaasiga ah ee colaadaha .