U bood dhigaalka

Donald Trump oo qorshaynaya inuu xoog ku qabsado meelo ka baxsan dhulka Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga cabsi qabaa inuu awood ciidan u adeegsado qabsashada kanaalka Panama iyo jasiiradda Greenland ee hoostagga boqortooyada Denmark.

Intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii ayaa Trump wuxuu diiday inuu meesha ka saaro adeegsiga awood millatari si uu dib ugula wareego kanaalka Panama ee ay maamusho dowladda Panama.

Sidoo kale wiilkiisa ayaa dhowaan diyaarad gaar ah ku tagey jasiiradda Greenland, waxaana soo dhoweeyay dad ku labisnaa koofiyadii ololaha doorashada Donald Trump, taas oo muujisay in maamulka Trump uu doonayo inuu gacanta ku dhigo jasiiraddaas.

Jasiiradda Greenland ayaa ah maamulka gooni u goosad oo hoostaga dalka Denmark, kanaalka Panama ayaa asna ah marin biyood ka tirsan dhulka dalka Panama, kaas Mareykanku maamulayay taniyo sanadkii 1903-dii, balse heshiis la gaaray sanadkii 1977-dii ayaa gacanta Panama dib loogu celiyay kanaalkaas.