U bood dhigaalka

Ciidamada Israa’iil oo loo diiday inay qaataan daawooyin nafsaani ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa loo diiday inay qaataan daawooyin nafsaani ah ka dib markii dagaalka Marinka Qasa ay ka qaadeen xanuunno dhinaca dhimirka ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha maamulkaasi.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil oo soo xiganaya askarta ku jirta adeegga qasabka ah iyo kuwa kaydka ah ayaa sheegay in ciidankaas ay taliyayaashoodu ka hor istaageen in ay helaan daweyn nafsi ah intii lagu jiray dagaalkii Qasa.

Kumaanaan ka tirsan military-ga Israa’iil ayaa la sheegay inay cudurro nafsi ah ka qaadeen dagaalka sanadkii 3-aad galay ee marinka Qasa, balse maamulka Netanyahu weli wuxuu ku adkaysanayaan inuu sii wadayo dagaalka illaa meesha laga saaro ururka Xamaas.