Israa’iil oo duqeysay goobo ay ku sugnaayeen Ciidanka Suuriya
Ilo wareedyo ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay leedahay Israa’iil ay bartilmaameedsadeen kolonyo ka tirsan waaxda howlgallada milatariga dalkaas oo ku sugnaa tuulada Ghadir al-Bustan ee duleedka magaalada Quneitra oo ku taalla koonfurta bari ee Suuriya.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay duqeynta, kuwa kalena way ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo ka ag dhow xoogagga dowladda cusub ee Suuriya.
Israa’iil ayaa duqeyn ka waday gudaha Suuriya taniyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore dalkaas Bashar Al-assad, sidoo kale military-ga maamulka Yuhuudda ayaa galay meelo kamid ah dhulka Suuriya, gaar ahaan dhinaca buuraleyda Golan Heights , ayagoo sheegay inay ka hortagayaan kooxo xagjirka ah oo laga yaabo inay aaggaas ku fidaan.