U bood dhigaalka

Qatar oo ku dhawaaqday inay furayso buundo gasha Qasa si gargaarkaa loogu gudbiyo

Dawladda Qatar ayaa ku dhawaaqday  furitaanka buundada dhulka oo gasha Qasa si ay halkaas u gaarsiiso 12,500,000 litir oo shidaal ah inta lagu jiro tobanka maalmood ee ugu horreeya ee heshiiska xabbad joojinta.

Shidaalkan ayaa loo isticmaali doonaa in lagu daaro qalabka isbitaallada, iftiiminta hoyga barakacayaasha, iyo adeegyada aasaasiga ah ee maalin lahaa.

Dufcadda ugu horeysa ee kaalmadan ayaa ah 25 gaari xamuul ah, kuwaas sii mari doona  isgoyska Kerem Shalom, ka dibna gali doona marinka Qaza.