U bood dhigaalka

Saameyn noocee ah ayay dunida ku yeelanaysaa ka bixitaanka Mareykanka ee Ururka Caafimaadka Adduunku ?

Ayadoo uu Mareykanka dhowaan shaaciyay inuu ka baxayo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxaa dunida ka soo yeeraya dhambaalllo walaac xambaarsan oo arrintaas looga falcelinayo.

Ka bixitaanka Mareykanka ee ururkan ayaa saamayn weyn ku yeellan doona dhaqdhaqaaqyada caafimaadka ee dunida ka socda, gaar ahaan shaqooyinka ay qabato WHO, maadaama Mareykanku uu kamid yahay dhaqaalaha ugu badan ku maalgeliya hay’addan.

War saxaafadeed uu soo saaray ururka Caafimaadka Adduunku ayaa lagu yiri “hay’addu waxay ka qoomameynayaa ku dhawaaqista ah in Mareykanka uu doonayo inuu ka baxo Ururka.

WHO waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta caafimaadka iyo amniga dadka aduunka, oo ay ku jiraan dadka Maraykanku, iyada oo wax ka qabanaysa sababaha asaasiga ah ee cudurada, dhisidda nidaamyo caafimaad oo xooggan, ogaanshaha, ka hortagga, iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka”.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay ku dhawaaqay in Mareykanku uu isaga baxay ururka Caafimaadka Adduunku, kaas oo uu dalkiisu qeyb ka ahaa taniyo sanadkii 1948-dii.