U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo sheegay in ay u diyaar garobeen qabashada doorashooyinka qofka iyo codka ah

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Hoggaanada, qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta nabad-gelyada guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee Kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay gaystaan, waxayna saraakiishu hoosta ka xariiqeen inay u diyaarsan yihiin in kaalinta uga aaddan ka qaataan Doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale Saraakiisha faray inay ka feejignaadaan Ciidamadu falalka amni darrada ah ee ay maleegayaan Alshabaab, waxaana uu shacabka ka codsaday in laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan si markabiiba looga howlgalo.