U bood dhigaalka

Mareykanka oo qaadanaya kheyraadka Dalka Ukraine

Ukraine ayaa ogolaatay qodobbo ku jira heshiisyada macdanta waaweyn ee ay Maraykanka la galayso , sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ku sugan magaala-madaxda Kyiv.

“Runtii waxaan ku heshiinay dhowr qodob oo wanaagsan, waxaana u aragnaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri sarkaalkani, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah.

Warbixinnno ay qorayso warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn (£395bn) ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, balse ma aysan siinin dammaanad amni oo adag Ukraine oo dagaalladu ay aafeeyeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky oo ku sugan Washington inuu saxiixo heshiiska toddobaadkan, ka dib markii labada hoggaamiye ay ereyo adag isku dhaafsadeen.

Mareykanka ayaa taageeraha ugu weyn ee hubka iyo dhaqaalaha la garab taagnaa Ukraine seddaxdii sano ee ay dagaalka kula jirtay Ruushka, balse heshiiska uu macdanta dalka ku qaadanayo ayaa daboolka ka qaaday ujeedka ay Washington ka lahayd garab istaagga Kiev.