U bood dhigaalka

Dhexdhaxaadiyaasha Israa’iil iyo Xamaas oo Quus taagan

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in dhexdhaxaadiyaashii wada-hadallada Israa’iil iyo Xamaas ay waddo waliba ka soo xirantay oo ay quus taaganyihiin, isla markaana aanu Trump ku talo jirin in uu cadaadis ku saaro Netanyahu in uu soo noqdo wadadii heshiiska.

Wargeyska ayaa sheegay in Trump uu si buuxda u taageeri doono haddii Israa’iil go’aansato inay duullaan ballaaran ku qaaddo marinka Qasa, taas oo uu muujinaysa in dhabbaha wada-hadalku sii xirmayo.

Israa’iil ayaa todobaadkii la soo dhaafay dib u billowday duqeymo aan kala joogsi lahayn oo ay ka geysanayso marinka Qasa, ka dib heshiis xabbad-joojin ah oo ku dhowaad 3 bilood socday.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee ay Israa’iil ka fulisay marinka Qasa ayaa galaaftay nolosha in ka badan 500 boqol oo qof, halka dhaawacyaduna ay intaas ka sii badanyihiin.