Puntland: Israsaaseyn ka dhacday Garoowe oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in israsaaseyn ka dhacday kontoroolka bari ee magaalada Garoowe ay sababtay dhimashada laba askari iyo dhaawaca afar kale, oo uu ku jiro Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Garoowe.
Iska horimaadkan ayaa dhexmaray ciidanka booliiska Puntland iyo ciidan kale oo la sheegay inay ka yimaadeen gobolka Bari.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa sababay gacan ka hadalka.
Ilo-wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegaya in ciidanka booliiska ay isku dayeen inay ka reebaan gaari ay leedahay xukuumadda Puntland oo ay wateen ciidanka ka yimid Bari, taas oo dhalisay iska horimaadka.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan dhacdadan. Waxaa la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ka imaan doonta mas’uuliyiinta ammaanka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay wado dagaallo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari, halkaas oo ay dhowaan la wareegeen deegaano ay horey u maamulayeen kooxdaas.