Ciidamada Amniga iyo Shacabka oo Gacanta Ku Dhigay burcad dhibaato ku heysay Shacabka degmada Deyniile

Ciidamada amniga iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo lagu eedeeyay inay falal dhac ah ka geysanayeen xaafadda Barwaaqo ee degmada Deyniile.
Burcaddan, oo dhibaato xooggan ku hayay dadka shacabka ah, ayaa lagu qabtay howlgal amni oo si wadajir ah loo fuliyay.
Shacabka deegaanka, oo ka dhiidhiyay falalka burcadda, ayaa la shaqeeyay laamaha ammaanka, taasoo sahashay in si degdeg ah gacanta loogu dhigo kooxdii falalka amni-darro waday.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo cadaaladda.
Howlgalkaan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga, laguna xakameynayo kooxaha burcadda ah ee dhibaateeya bulshada.
Dowladda iyo shacabka ayaa ugu baaqay cid kasta oo falal amni-darro ka shaqeysa inay joojiyaan, haddii kale, ay wajihi doonaan tallaabo adag.