Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo isbitaalka ku booqday askar ku dhaawacantay howlgallo ay caasimadda ka wadeen

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Cisbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer) ku booqday Ciidamo dhaawacyo kasoo gaareen howlgal ciidan oo ay ka wadeen gudaha magaalada Muqdisho.
Dhaqaatiirta Cisbitaalka ayaa ka warbixiyey xaaladda Caafimaad ee Ciidamada, waxaana uu Taliyuhu kula dardaarmay in daryeel ku filan loo sameeyo, isagoona u xilsaaray guddi gaar ah oo xaaldooda la socda maadama ay dhaawacmeen iyagoo gudanaya waajibaadkii Qaran ee loo idmaday.
“Allaha idin Caafiyo waxaad u dhaawacanteen dadkiina iyo dalkiina, idinkoo ka difaacaya kooxda Al-Shabaab, waxaan idiin soo booqanay inaan xaaladiina ogaano si haddii xatta xaaladiina wax looga qaban waayo dalka meesha ku haboon la idiin geeyo” Ayuu yiri Taliye Asad Cismaan.