Wada-hadal toos ah oo maanta u furmaya Iran iyo Mareykanka

Wada-hadal toos ah oo diiradda lagu saarayo barnaamijka nukliyeerka ayaa Magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan uga furmaya Mareykanka iyo Iran, ayadoo halkaas ay gaareen wufuud ka kala socata labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo koox khubaro ah oo la socata ayaa gaaray magaalada Muscat si ay wada xaajood ula yeeshaan wakiillada ka socda dhanka Washington, waxayna arrintani ku soo beegmaysaa xilli saacado ka hor Trump uu Tehran u diray hanjabaaddii ugu adkayd.
Xiisadda u dhexeysa dalalkan ayaa cirka isku sii shareeraysay taniyo markii uu xaafiiska yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana isha lagu wada hayaa waxa ka soo bixi doona wada-xaajoodkan oo ah kii ugu horreeya ee muddo sanado ah ka dib dhex maraya Washington iyo Tehran.