Muxuu yahay heshiis uu Mareykanku la galay kooxda Xuutiyiintu?

Ka dib maalmo duqeymo adagi ay ka socdeen dalka Yemen Maamulka Trump ayaa sheegay inuu heshiis xabbad-joojin ah la galeen kooxda Xuutiyiinta, sida ay shaacisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanku.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Xuuthiyiintu ay is dhiibeen oo ay oggolaadeen inay joojiyaan weerarradii ay ku bartilmaameedsan jireen maraakiibta Mareykanka ee maraysa badda Cas, ayadoo Washington ayana ay joojin doonto duqeymaha ay ka geysanayso dalka Yemen.
Heshiiskan oo ay dhexdhaxaadisay Saldanadda Cummaan ayaa yimid ayadoo saacadihii la soo dhaafay ay Mareykanka iyo xulafadiisu duqeymihii ugu adkaa ka fuliyeen gudaha dalka Yemen, islamarkaana ay burburiyeen qeybo kamid ah kaabeyaasha dhaqaalaha dalkaas.
Maamulka Israa’iil oo ay Mareykanka wada fulinayeen duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta ayaa sheegay inuu lama filaan ku noqdey heshiis uu Maamulka Trump la galay kooxdaas.