U bood dhigaalka

Xiisadda Pakistan iyo Hindiya oo saameyn ku yeelatay duulimaadyada Diyaaradaha gobolka 

Xilli xiisadda dalalka Hindiya iyo Pakistan ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana labada dhinac ay dhowaan duqeymo cirka ah is waydaarsadeen ayaa umuurtaasi waxay saameyn ku yeelatay isku socodka duullimaadyada gobolka.

Dhawr shirkadood oo diyaaradeed oo qaar Aasiya ka howlgala ayaa sheegay inay baajiyeen duullimaadyadii aadi jiray ama uga iman jiray Yurub sababo la xariira dagaalka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Hindiya ayaa saacado ka hor weerartay magaalooyin ku yaalla gudaha Pakistan iyo deegaanno ka tirsan dhulka Kashmir, qeybta ay Pakistan maamusho, waxayna weerarradaasi sababeen dhimashada in ka badan 26 qof iyo dhaawac ku dhowaad 50 kale.

Pakistan dhankeeda waxay sheegtay inay soo ridday shan diyaaradood oo ay leedahay Hindiya, ayadoo kale burburisay saldhigyo militari oo ku yaalla gudaha dalkaas, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Pakistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa weerarka Hindiya ku qaaday Pakistan ku tilmaamay fal ceeb ah, ayadoo Xoghayihiisa arrimaha dibadduna uu wada-hadal degdeg ah la yeeshay masuuliyiin qaabilsan arrimaha hubka Nuclear-ka ee Mareykanka.