U bood dhigaalka

Sooyaalka hannaanka doorashada dunida iyo noocyadeeda

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa wada diiwaangelinta dadweynaha codbixiyaasha ka noqan doona doorasho qof iyo cod ah oo dowladda ay horay u sheegtay inay bartamaha sanadkan iyo midka soo socda billowgii dalka ka dhici doonto, ayadoo leh heerar kale duwan oo midba xilligiisa la qaban doono.

Sida qorshuhu yahay doorashada ugu horraysa ee bartamaha sanadkan dhici doonta ayaa ah doorashada goleyaasha deegaanka, ka dibna waxaa xige doona doorashada wakiillada iyo madaxda dowlad goboleedyada, iyo midda Baarlamaanka iyo madaxweynaha Federaalka oo 2026-ka qabsoomi doona.

In sida loogu tala-galay ay doorashada qofka iyo codka ahi u dhici doonto doodo badan ayaa ka taagan, waxaana ka soo horjeeda madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradka, sidoo kalena duruufo adag ayaa ku gadaaman, balse waxaa la rumaysanyahay in qorshahani uusan wada guul darraysan doonan.

Haddaba hannaanka doorashada ee qofka iyo codka ah Soomaaliya waxaa ugu dambeysay ugu yaraan 50 sano ka hor, inkastoo Soomaaliland ay dhawr ka dhacday, waana habka ugu wanaagsan ee dowlaha casriga ah madaxdooda loo doorto.

Haddaba waxaan dib u milicsanaynaa Sooyaalka hannaanka doorashada dunida iyo noocyadeeda.

Doorashadu waa hannaan siyaasadeed oo lagu doorto hoggaamiyeyaasha ama wakiillada dadweynaha, iyadoo cod la siinayo musharrixiinta tartamaya, waana mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda.

1. Noocyada Doorashada:

Hannaanka doorashooyinka wuxuu kala duwan yahay dal ilaa dal, laakiin guud ahaan waxaa jira dhowr nooc oo waaweyn:

Doorasho toos ah (Direct election): Dadweynuhu si toos ah ayay u doortaan qofka qabanaya jagada (tusaale: Madaxweynaha Maraykanka iwm).

Doorasho dadban (Indirect election): Dadka waxay doortaan wakiillo, wakiilladuna waxay doortaan hoggaamiye (tusaale: Baarlamaanka UK wuxuu doortaa Ra’iisul Wasaaraha dalka).

Hannaanka codbixinta badan (Plurality/majority systems): Qofka helay codka ugu badan ama ka badan 50% ayaa guuleysta oo si toos ah hoggaamiyaha dalka u noqda, waxaana dalalka hannaankan ku dhaqma kamid ah Australia.

Jaan-goynta codadka (Proportional representation): Kuraasta baarlamaanka ayaa lagu qaybiyaa si waafaqsan saamiga codadka xisbiyada, xisbiga ugu codadka badan ayaa Xukuumadda soo dhisa sida Ingiriiska.

2. Taariikhda Doorashooyinka:

Giriiggii hore (Ancient Greece): Athens waxay ahayd meesha ugu horreysa ee laga hirgeliyo hannaan doorasho oo dadweyne (qarnigii 5aad ee BC), inkasta oo dadka la oggol yahay inay codeeyaan ay aad u koobnaayeen.

Roomaankii hore (Ancient Rome): Waxaa jiray doorashooyin dadban oo u dhexeeya kooxo bulshada ka tirsan.

• Qarnigii 17aad – 18aad: Doorashooyin casri ah ayaa ka bilowday Yurub, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska, iyadoo laga gudbayay boqortooyooyin xoog leh loona guurayay dimuqraadiyado matalaad leh.

Qarnigii 19aad – 20aad: Dalal badan ayaa bilaabay doorashooyin dadweyne kadib kacdoonnadii iyo halgankii xuquuqda codbixinta, sida haweenka oo xaqa codka helay.

3. Doorashooyinka Casriga ah

Maanta, in ka badan 150 dal ayaa qabta doorashooyin si joogto ah, inkasta oo tayo iyo xorriyad ay ku kala duwan yihiin, waxaana jira hay’ado caalami ah sida UNDP iyo International IDEA oo kormeera hanaanka doorashooyinka si loo hubiyo hufnaanta iyo cadaaladda.