Hindiya iyo Pakistan oo gaaray heshiis xabbad-joojin ah

Dalalka Hindiya iyo Pakistan oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisad xooggani ka dhex aloosnayd, islamarkaana dhawr duqeymo iyo weerarro toos ah iswaydaarsaday ayaa ugu dambeyn gaaray heshiis xabbad-joojin ah.
Wada-hadal uu Mareykanku dhexdhaxaadiyay ayaa lagu gaaray is afgaradka hordhaca ah ee heshiiska xabbad-joojinta ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Donald Trump.
Trump oo heshiiskan shaacinaya ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in India iyo Pakistan ay ku heshiiyeen xabbad joojin dhamaystiran oo degdeg ah, Waxaan u hambalyeynayaa labada dal ee muujiyay masuuliyadda sare, waxaanan uga mahadcelinayaa xiisaha ay arrintan u qabaan arrintan”.
Xiisadda labadan dal ee awoodda Nuclear-ka ku hubaysan ayaa dib u qaraxday 22-dii bishii hore ee Abriil, ka dib markii gobolka Kashmir qeybta Hindiya lagu 26 qof oo dalxiiseyaal ah, waxayna Xukuumadda New Delhi falkaas ku eedeysay Pakistan iyo kooxaha ay taageerto.