U bood dhigaalka

Waa kuwee dadka aan loo baahnayn inay ku dhex milmaan khilaafyada Siyaasadeed?

Soomaaliya oo ka soo kabanaysa burbur dowladnimo iyo colaado sokeeye oo muddo dheer socday ayaa weli la daalaa-dhacaysa xasillooni-darro siyaasadeed iyo kala aragti duwanaasho mararka qaar carqalad ku noqda horu-socadka dowladnimo iyo midnimada dalka.

Xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafyadu inta badan siyaasiyiinta ay dhex maraan, balse dhinacyo kala ayaa mararka qaar ku dhex milma oo xaaladda uga sii dara, kuwaas oo aan howlahooda rasmiga ahi siyaasadda iyo maamul meelna ka soo gelin.

Haddaba waa kuwee dhinacyada aan loo baahnayn inay siyaasadda ku dhex milmaan ?

Garsoorka: Garsoorayaasha iyo hay’adaha caddaaladda waa in ay ahaadaan kuwo ka madax bannaan saameyn siyaasadeed si ay si cadaalad ah ugu xukumaan ama ugu khilaafaadka.

Ciidamada qalabka sida: Booliska, milateriga iyo hay’adaha amniga waa in aysan dhinacna u janjeerin si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo xasilloonida dalka.

• Shaqaalaha rayidka ee dowladda (civil servants): Waa in ay gutaan shaqadooda si hufan oo ay ka fogaadaan ku milanka ololeyaasha siyaasadeed iyo dhexgalka howlaha xilliga kala guurka ku kooban.

Warbaahinta dhexdhexaadka ah : Suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta waa in ay ka fogaadaan taageeridda xisbi gaar ah, si ay u gudbiyaan warar dhab ah oo dheelitiran.

• Culimada iyo hoggaamiyeyaasha diimeed: Waa in aysan ku milmin siyaasadda si aysan u kala fogeyn bulshada una ilaaliyaan isku duubnida.

Hay’adaha samafalka iyo ururada aan dowliga ahayn (NGOs): Waa in ay ka shaqeeyaan danta guud, kana fogaadaan ku lug lahaanshaha arrimaha xisbiga ama khilaafaadka siyaasadeed.

In dhinacyadani ay dhexdhexaad ahaadaani waxay muhiim u tahay in la ilaaliyo kalsoonida bulshada, la xakameeyo kacsanaanta xaaladaha, isla markaana la helo doorashooyin xor iyo xalaal ah ama hannaan kale oo la wada aqbali karo.