U bood dhigaalka

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Trump iyo Elon Musk?

Saacadihii la soo dhaafay warbaahinta dunidu waxay si weyn u hadal haysay Khilaaf ka dhex qarxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo maalqabeenka caalamka ugu hodansan ee Elon Musk, kuwaas oo horay saaxiibo dhow u ahaa.

Raggan oo xariirkoodu xoogaystay muddo xileedkii hore ee Trump, islamarkaana xilligii ololaha doorashada Mareykanka si weyn isku bahaystay ayaa dhowaan mad madow lama filaan ahi soo dhex galay, kaas oo keenay dagaal furan oo isugu jira hadallo kulul iyo eedeymo ay warbaahinta isku mariyeen.

Khilaafka ayaa ka bilowday kadib markii Trump uu soo bandhigay hindise sharciyeed cusub oo lagu magacaabo “One Big Beautiful Bill Act.”, kaas oo lagu eedeeyay inuu kordhinayo deynta qaranka $1.5 trillion, iyadoo la dhimayo dhiirrigelinta baabuurta korontada iyo barnaamijyada caafimaadka dadka danyarta.

Musk ayaa sharcigan ku tilmaamay mid laga naxo oo aad u xun, isagoo sheegay inuusan helin fursad uu ku akhriyo ka hor inta aan la meel marin,

Trump ayaa si kulul uga jawaabay dhaleeceynta Musk, isagoo ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan qandaraasyada dowladdu kula jirto shirkadaha Musk sida Tesla, SpaceX, iyo Starlink.

Musk ayaa asna si kulul uga jawaabay falcelinta Madaxweynaha, isagoo ku eedeeyay Trump inuu ku lug leeyahay kiiska Jeffrey Epstein, taasoo uu sheegay inay tahay sababta aan loo shaacin dukumentiyada la xiriira .

Dagaalka labadan nin ayaa durba saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, siyaasadda, iyo Technology-adda dalka Mareykanka iyo dunidaba, ayadoo shirkadda Elon Musk ee baabuurta soo saarta ee Tesla keligeed ay khasaartay 14% qeymaha saamiyada, taas oo u dhiganta inay lumisay $153 bilyan saacado gudahood.

Dhinaca kale Trump ayaa ku dhawaaqay mashruuc weyn oo AI ah ama garaadka macmalka oo lagu magacaabo “Stargate,” kaasoo lagu maalgelinayo $500 bilyan, iyadoo lala kaashanayo OpenAI, Oracle, iyo SoftBank, balse Musk ayaa mashruucan dhaleeceeyay, isagoo sheegay in maalgeliyayaashu aysan haysan lacagta loo baahan yahay, taasoo keentay in Sam Altman, madaxa OpenAI, uu si kulul uga jawaabo .