Dhaqdhaqaaqa maamul u Samaynta Sool iyo Sanaag iyo caqabadaha ku hor gudban

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan billowday dadaallo lagu doonayo in lagu dhammaystiro dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, islamarkaana la mideynayo gobollada Sool iyo Sanaag oo hadda u kala qeybsan dhowr maamul.
Gobolladan oo horay ay u kala sheegan jireen Soomaaliland iyo Puntland ayaa hadda la doonayaa in laga dhigo maamul goboleed dastuuri ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana socda dadaallo qorshahaas lagu hirgelinayo.
Dhaqdhaqaaqan oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka helaya siyaasiyiin, odayaal dhaqan, iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolladaas, balse waxaa jira dhinacyo si weyn u diiddan oo aan saamayntooda la dhayalsan karin.
Dhinacyadaas waxaa kamid ah Puntland oo qeyb maamulkeeda u aqoonsan gobolladaas, islamarkaana si weyn uga soo horjeeda qorshaha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo SSC-KHAATUMO, waxayna gacanta ku haysaa gobolka Sanaag intiisa badan.
Sidoo kale Soomaaliland iyo dad taageersan maamulka Maakhir ayaa degmooyinka qaar saamayn xooggan ku leh, taasina waa mid kamid ah caqabadaha ku hor gudban maamul u samayn deegaannadaas.
Dhinac haddii laga eego maamul u saamaynta labadaas gobol waxay waafaqsantahay hannaanka Federaalka ee uu dalku 20 sano ka hor qaatay, waxayna dhammaystir u tahay maamulka SSC-KHAATUMO, balse caqabadaha hortaagan sida looga gudbi karo ayaa ah layli aan jawaabtiisu fududayn.
Puntland oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadda dalka ugu khilaafsanayd ayaa haatan u diyaar-garowbaysa qorshaha maamul u samayn deegaannadaas, waxaana laga yaabaa inay xiisadda labada dhinac gaarto meel aan waxba laga qaban karin.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa kala qeybsan oo la kala safan Puntland, SSC-Khaatumo, Maakhir, iyo xittaa Soomaaliland, taasina waxayna Sool gelinaysaa sida loo mideyn karo Sool, Sanaag, iyo deegaanno ka tirsan gobolka Togdheer.
Si kastaba ha ahaatee dhammaystirka SSC-KHAATUMO waa arrin dastuuri ah, balse si loo xallin karo is diidooyinka hortaagan ayaa ah waxqabad aan si fudud lagu gaari karin.