Sidee u shaqeeyaa hannaanka Federaalka dunidu, maxay’se yihiin mabaadii’da uu xambaarsanyahay?

Hannaanka Federaalka waa nidaam siyaasadeed iyo maamul oo awoodda dawladnimada lagu qaybsado heerar kala duwan – sida heer federaal dawladda dhexe iyo heer dowlad-goboleed ama is-maamullo gobol, waxaana lagu saleeyaa in gobollada ama dowlad-goboleedyadu yeeshaan awoodo gaar ah, iyadoo dawladda dhexe ay qabato arrimo guud sida difaaca, arrimaha dibadda iyo lacagta, iyo socdaalka iyo jinsiyadaha.
Hannaankan waxaa inta badan qaata dalalka ay qowmiyadaha kala duwani ku noolyihiin, waxaana siyaasadda guud ka masuul dowladda dhexe oo awood ahaan loo oggolyahay inay dalka maamusho, balse dowlad-goboleedyadu waxay leeyihiin awood ballaaran oo dhinaca maamulka adeegyada bulshada la xariirta sida caafimaadka, waxbarashada, amniga gudaha deegaannadooda, Garsoorka, hormarinta waddooyinka, biyaha iwm.
Dhammaan arrimahaas maareyntooda waxaa awood buuxda u leh dowlad-goboleedka, halka arrimaha qaarkood loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sida canshuuraha, wadaagga kheyraadka, cimilada iyo deegaanka, wax ka badelka sharciyada guud iwm.
1. Asalka iyo Fikradaha Federaalnimada:
Hannaanka federaalka wuxuu salka ku hayaa mabda’a ah in awoodda la wadaago si looga hortago kaligii-talisnimo ama ururinta awoodda oo hal dhan gacanta u gasha, waxaana sidoo kale uu suurtageliyaa in bulshooyin ku kala duwan dhaqanka, afka, ama diintu ay ku wada noolaan karaan hal dal oo mideysan iyagoo haysta xornimo maamul oo maxalli ah.
Dalalka sida Mareykanka, Jarmalka, Itoobiya, iyo Switzerland ayaa tusaale fiican u ah dalalka ku dhaqma nidaamka federaalka, kuwaas oo hormar, awood dowladnimo, iyo xasilooni siyaasadeedba dunida haatan hormuud ugu ah, haddana dadka ku nooli isir ahaan, dhaqanka ahaan, af ahaan, iyo diin ahaanba ay kala gadisanyihiin.
Hannaanka federaalka waxaa markii ugu horreysay si rasmi ah looga adeegsaday dunida sanadkii 1787, markaasoo la qoray Dastuurka Mareykanka, kaas oo dhaqan galay 1789, dalkaas ayaana ahaa kii ugu horreeya ee casri ah ee hirgeliya nidaam federaal ah oo rasmi ah, iyadoo gobolladu ay xilligaas heshiis ku galeen in ay sameystaan dowlad dhexe oo ay awood la qaybsanayaan.
Fikradda federaalka asal ahaan waxay kasoo jeeddaa erayga Laatiinka ah ee “foedus” oo micnihiisu yahay heshiis ama xiriir midnimo, kaas oo looga golleeyahay in loo adeegsado isku haynta bulshooyin kala duwan, haddana doonaya inay hal dowlad oo ay u simanyihiin wada yeeshaan, lagana hortago in awood ay cid gaar ahi isku koobto.
Dhinaca Soomaaliya hannaanka Federaalka ah waxaa la qaatay xilli ay weli socdeen dagaallo sokeeye dalkana aysan ka jirin dowladnimo rasmi ah iyo sharci laysla ogolyahay, taas oo keentay in qaabka hannaankaas loogu dhaqmayo ilaa haatan laysku mari la’yahay, islamarkaana labada heer Dowladeed ay mararka qaar u muuqdaan inay wax walba ka simanyihiin awood ahaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa hubaal ah in hannaanka Federaalka uu wax weyn ka badelay hormarinta adeegyada bulshada, balse kala qeybsanaan maamul iyo loolan awoodeeda ayuu keenay, waana mid kamida cuddurada dalka ka hortaagan xasillooni siyaasadeed iyo midnimo macna leh.