Maxay Ka Dhigan Tahay Hoos U Dhaca Baasaboorka Soomaaliga?

Hoos u dhaca baasaboorka Soomaaliga waxa uu iftiiminayaa dhibaatooyin ballaaran oo dalka ka jira, sida amni darro, xasillooni la’aan siyaasadeed, musuqmaasuq iyo xiriir diblomaasiyadeed oo aan xoogganayn.
Marka ay Soomaaliya noqoto dalka ugu baasaboorka liita Afrika, waxa la ogaadaa in muwaadiniinteeda ay wajahayaan caqabado badan oo la xiriira safarka, sumcadda, iyo fursadaha nolosha.
Baasaboorka Soomaaliyeed maanta ma oggolaanayo muwaadinka inuu si xor ah ugu safro dalal badan oo caalamka ka mid ah.
Dhowr iyo labaatan dal oo kaliya ayaa u oggol in la booqdo adigoon visa horay u dalban. Inta kale, waa khasab in la codsado oggolaansho socdaal (visa), taasoo mararka qaar ay tahay mid aad u adag in la helo. Taasi waxay hoos u dhigaysaa xorriyadda uu qofku u leeyahay inuu dunida wax ka barto, caafimaad u doonto, ama xiriir la yeesho dadka kale ee caalamka.
Marka baasaboorka dal uu liito, waxaa loola jeedaa in dowladihii kale aysan si buuxda ugu kalsoonayn nidaamka amniga, maamulka, iyo sharciga dalkaas.
Tusaale ahaan, waddamo badan ayaa ka baqaya in dadka wata baasaboorka Soomaaliga ay yihiin kuwo si fudud tahriib ugu geli kara dalalkooda, ay ka mid noqon karaan falal dambiyeed, ama ay codsan karaan magangelyo sharci darro ah. Sidaa darteed, waxay adkeynayaan shuruudaha lagu siin karo visa, xitaa haddii qofku uu yahay arday, bukaan ama ganacsade.
Dhibaatooyinka hoos u dhaca baasaboorku ma saameeyaan dowladda kaliya, waxay si toos ah u taabanayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Waxaa adag in arday Soomaaliyeed uu si sahal ah ugu safro dal dibadda ah si uu wax u barto.
Sidoo kale, dadka u socdaalaya daryeel caafimaad waxay mararka qaar la kulmaan waqti lumis iyo daal badan iyagoo sugaya inay helaan oggolaansho socdaal. Taasi waxay mararka qaar keentaa in qofkii xanuunsanaa uu helo caawimaad daahsan ama uu waayo fursad nololeed oo muhiim ah.
Dad badan oo wata baasaboorka Soomaaliga waxay la kulmaan shaki joogto ah garoomada diyaaradaha, baadhitaano gaar ah, iyo su’aalo badan oo ay la kulmaan sabab la’aan. Waxaa laga yaabaa in loo eego sidii dad aan lagu kalsoonayn, taasoo hoos u dhigaysa niyadda qofka, kuna abuureysa dareen ah in la takoorayo. Dhab ahaantii, qofka wata baasaboorka Soomaaliga wuxuu la mid yahay qof xiran silsilad aan muuqan—wuxuu doonayaa inuu safro, balse meel walba wuu la kulmaa xannib.
Baasaboorka Soomaaliga ayaa hadda noqday kan ugu liita Afrika, taasoo ka dhigan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay la kulmaan caqabado badan marka ay doonayaan in ay u safraan dalal kale.
10-ka Baasaboorka ugu Liita Afrika (laga bilaabo kan ugu hooseeya):
Soomaaliya
Liibiya
Ereteriya
Suudaan
Koonfurta Suudaan / Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo
Nayjeeriya / Itoobiya
Jabuuti
Congo Rep / Burundi / Angola
Masar / Cameroon
Liberia / Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika
Arrintan ma saameyso oo keliya dadka caadiga ah; xitaa masuuliyiinta ugu sarreeya dalka ayay si toos ah u taabanaysaa. Tusaale ahaan, dhowaan ayay dhacday dhacdo laga naxo oo ku saabsan Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa, oo muddo saddex saacadood ah lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Xildhibaan Dalxa, oo ka mid ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya, kanaalin weyn ka qaatay midnimada iyo qaranimada dalka, ayaa wajahaya xannibaad uu sabab u yahay baasaboorka uu wato.
Hey’adda Socdaalka Kenya ayaa Xildhibaan Dalxa ku dartay liiska siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee laga xanibay in ay si xor ah uga gudbaan garoonkaas. Waxaa lagu qasbay in Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Cabdulle, uu si toos ah ugu tago garoonka, si adag ula doodo mas’uuliyiinta socdaalka Kenya, una xaqiijiyo in Xildhibaanku yahay wakiil sare oo sharaf leh oo aan mudneyn in la takooro. Ugu dambeyn, safiirku wuu ku guuleystay inuu kasii daayo.