U bood dhigaalka

Cudurka Gowracatada oo soo ritay dad laga keenay 40 degmo ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla Muqdisho

Agaasimaha Isbitaalka Demartino, Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin, ayaa sheegay in isbitaalku uu diiwaan geliyey bukaano ka yimid 40 degmo oo dalka ah kuwaas oo lagu arkay cudurka Gowracatada.

Dr. Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in tiradan ay muujinayso in cudurkaasi uu noqday mid saameeyay guud ahaan dalka,
maadaama bukaannada laga soo qaaday gobollo kala fog oo Soomaaliya ka tirsan.

Isaga oo ka hadlayay xaaladda caafimaad, waxa uu xusay in cudurka Gowracatada uu leeyahay saameyn degdeg ah iyo halis caafimaad, taas oo u baahan in degdeg loo sameeyo tallaabooyin ka hortag iyo wacyigelin dadweyne si loo joojiyo fiditaanka.

Agaasimaha ayaa ugu baaqay bulshada in ay si dhaqso leh ula xiriiraan xarumaha caafimaadka marka calaamadaha cudurka lagu arko qof, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo kordhin kara faafitaanka cudurka.