U bood dhigaalka

Dowladda Hindiya oo deeq daawo ah ku wareejisay DFS

Dowladda Soomaaliya Wasaaradda ayaa Dowladda India kala wareegtay 10 tan oo iskugu jira daawooyin kala duwan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee dalka.

Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday Dekedda Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno matalayay dowladda Hindiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda India taageeradan caafimaad, iyagoo xusay inay muhiim u tahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan ay jirto baahi weyn oo loo qabo daawooyin iyo adeeg caafimaad oo tayo leh.