Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka JFS oo lagu wado inuu maanta furmo xilli ay dalka ka jiraan xiisado iyo guux siyaasadeed oo aad u xooggani

Waxaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli uu dalku wajahayo xaalad siyaasadeed oo kacsan oo ay hareeyeen arrimaha dhulalka, khilaafka maamul goboleedyo, qorshaha doorashooyinka soo socda, iyo mooshin siyaasadeed la sheegay in laga wado xukuumadda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo saacado kahor dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu magaalada New York kaga qeyb-galay kulanka guud ee Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga labada aqal ee baarlamaanka, isaga oo ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda dalka.
Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin dhulalka danta guud, khilaafka soo noqnoqday ee Jubbaland iyo Puntland, arrimo ku saabsan maamulidda doorashooyinka soo socda, iyo bannaanbaxyo ay mucaaradka ku dhawaaqeen in ay ku qaban doonaan caasimadda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee kalfadhigan ayaa la filayaa in uu noqon doono mid go’aamiya jihada siyaasadeed ee dalka, maadaama uu furmayo xilli ay shacabka iyo beesha caalamka si dhow isha ugu hayaan sida ay Soomaaliya uga bixi karto caqabadaha siyaasadeed ee taagan.