Muxuu yahay Cudurka ka dilaacay Itoobiya ee Walaaca laga Muujiyay?
Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa shaacisay in Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya iyo Hay’adda Qaranka ee Cilmi-baarista Caafimaadka (EPHI) ay si rasmi ah u xaqiijiyeen dillaac cudurka Marburg (Marburg Virus Disease – MVD) oo ka dilaacay magaalada Jinka, gobolka Koonfureed ee Itoobiya.
Warbixin laga soo saaray Addis Ababa ayaa lagu sheegay in 14-kii Nofeembar 2025 uu Shaybaarka Qaranka si cad u xaqiijiyay in fayraska laga helay dadka la baaray uu yahay Marburg.
Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah iyo falanqayn nooca fayraska ah, iyadoo natiijooyinkii hore muujinayaan inuu la mid yahay noocyadii hore looga helay Bariga Afrika.
Digniintii ugu horreysay ee looga shakiyay cudurka ayaa Africa CDC loo gudbiyay 12-kii Nofeembar 2025.
Cudurka Marburg muxuu yahay, xaggee hore uga dillaacay?
Cudurka Marburg (Marburg Virus Disease – MVD) waa cudur aad u halis badan oo ka tirsan viral haemorrhagic fevers oo sababa dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah, qandho daran, madax-xanuun, matag, shuban iyo daciifnimo degdeg ah.
Waa cudur dilaa ah, heer dhimashadiisuna waxay gaari kartaa 50% ilaa 90%, waxaana keena Marburg virus, oo ka tirsan isla qoyska keena Ebola.
Halkee ayuu hore uga dillaacay?
Cudurkan waxa uu hore uga dillaacay dhowr dal , waxaana ka mid ah:
Jarmalka (1967) – Waa markii ugu horreysay ee la aqoonsaday cudurka, waxaana ka dillaacay magaalooyinka Marburg iyo Frankfurt, kadib markii shaybaarrada lagu isticmaalay daayeero laga keenay Uganda.
Uganda – Waxaa hore uga dilaacay dhowr jeer, gaar ahaan sanado badan oo kala duwan (2007, 2014, 2017).
DR Congo – Dhowr kiis 1998–2000.
Angola (2005) – Mid ka mid ah dillaacyadii ugu dhimashada badnaa, dhimashada waxay gaartay ku dhowaad 90%.
Kenya, Guinea, Tanzania, Ghana – Waxaa ka dhacay kiisas yar yaryar oo la xakameeyay.
Sidee ayuu u faafo?
Ka yimaada xayawaanka megabat-ka (fruit bats) oo ah ilaha ugu waaweyn.
Waxa uu ku faafo taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka qof qaba cudurka.
Waxa kale oo uu ku faafi karaa maydka qof dhintay oo aan si ammaan ah loo aasin.
Daawo ma leeyahay?
Daawo rasmi ah oo la oggolaaday ma jiro, laakiin waxaa jira:
Daryeel degdeg ah (fluid therapy)
Ka hortagga infekshanka
Go’doominta bukaanka