Turkiga iyo Maraykanka oo isku mari la’ diyaaradaha F-35
Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijisay in Turkey iyo Maraykanka ay dib u billaabeen wada-xaajoodyo ku saabsan cunaqabateynta Mareykanka iyo dib-ugu-soo-laabashada Ankara ee barnaamijka diyaaradaha F-35.
Wasaaraddu waxay caddeysay in aysan wax isbedel ah ku imaan milkiyadda Turkiga ee nidaamka difaaca cirka ee Ruushka S-400, arrin horey u sababtay khilaaf xooggan oo labada dal dhex maray.
Sanadkii 2020 ayay Washington ka saartay Turkiga F-35, iyadoo sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay kadib markii Ankara ay iibsaday S-400 oo uu Maraykanku ku tilmaamey khatar amni oo ka dhan ah nidaamka difaaca NATO.
Labada dalba waxay muujinayaan rajo ku aaddan in cunaqabateynta CAATSA iyo sharciyada Mareykanka la dabciyo inta lagu jiro muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Donald Trump, si Turkiga dib loogu soo celiyo wax-soo-saarka iyo iibsiga F-35-yada.
Wada-hadalka Ankara iyo Washington ee ku saabsan F-35 ayaa weli ku xiran go’aanka siyaasadeed ee Mareykanka iyo haysashada Turkiga ee gantaallada S-400 oo ah qodobka muranka ugu weyn dhaliyay.