U bood dhigaalka

Aqoonsiga Maamulka Soomaalilaan ee Israa’iil Sal Sharci ma Leeyahay?

WQ: Ayuub Jafaal
Sharciyaqaan iyo Suxufi

Si aan u fahanno waxa uu ka dhigan yahay aqoonsiga maamulka Soomaalilaan ee Israa’iil, waa in aynu marka hore fahan ka haysanno waxa uu sharciga caalamiga ah ka qabo, aqoonsiyada caynkan ah. Waxaa jira dawlado faro badan oo iskudayay inay ka go’aan “dawladihii hooyo” (mother states) ee ay ka tirsanaayeen, oo aynu tusaale usoo qaadan karnaa, South Sudan, Kosovo, Taiwan iyo Ruushka oo goostay gobollo ka mid ah dalka Ukraine, se aan ku guulaysan aqoonsi caalami ah oo sharci ah, maxaa yeelay arrin sahlan maaha in ay aqoonsi helaan dawladaha goonni u goosadka ah, haba jireen sababo siyaasadeed ama istiraatiiji oo gadaal ka riixa ka guulgaaridda helitaankooda aqoonsi buuxa oo caalami ah, haddana sababahaasi ma aha kuwo ku filan ka dhabaynta riyadooda.

Waxaa jira mabaadii’ asaasi ah oo uu jideeyay Cahdiga Qaramada Midoobay gaar ahaan Qodobkiisa 1(2) oo dhigaya Xaqa Aaya-ka-tashiga iyo Ilaalinta Midnimada Dhuleed ee Waddamada, sidaas daraaddeed, maamullada ku dhawaaqa goonni-isu-taagga (self-declaration) sida Soomaalilaan oo kale, si ay ugu soo biiraan saaxadda caalamiga ah, waa in maamulladaasi jid sharci ah u maraan goonni-isu-taaggooda, oo micnaheedu yahay, in “dawladda hooyo” (mother state) ee ay ka tirsan yihiin u oggolaadaan go’itaanka, waana habka ugu fudud ee ay u mari karaan dawladahaasi aqoonsi miradhal leh.

Laga yaabee in aad isweydiinaysid, haddii Cahdiga Qaramada Midoobay uu jideeyey xaqa aayo ka tashiga, waa maxay sababta xaqaas loo dabray? Waxaan oran karnaa sababta arrintan loo dabray waa in laga hortago in sidii tusbax furtay oo kale goonni-u-goosadku bato, maadaama oo arrintaasi dhali! karto khalkhal ku yimaadda nidaamka caalamiga ah.

Haddaba, kiiska Soomaalilaan ee ah aqoonsiga Israa’iil ma aha mid sal sharci ah leh, aqoonsiyada noocan ah waxaa lagu magaaabaa: aqoonsi hal dhinac ah (unilateral recognition), waana aqoonsi aan waxba kaga duwanayn khad warqad lagu dhigay ama aan sal u noqon korin kal-buuxsanka iyo dhammaystiranka dawladnimo ee maamulkaas, saaxadda caalamiga ahna waxba ugama goyn doono!

Tusaale ahaan, dalka Kosovo oo ka goostay, dalka Serbia sannadkii 2008, ayaa aqoonsi hal dhinac ah ka helay waddamada reer Galbeedka, laakiinse arrintaasi uma sahlin in Kosovo noqoto waddan buuxa oo kursi ku leh Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa, waxaynu sidoo kale tusaale u soo qaadan karnaa Falastiin, oo aqoonsi ka haysata tiro ilaa 100 dawladood ah, se aan ilaa immika haysan aqoonsi buuxa oo dawladnimadeed dhammaystira.

Dhanka kale, waddanka South Sudan oo ah waddan lagu tilmaamo guridanbayska caalamka ayaa sannadkii 2011kii helay aqoonsi caalami ah, oo u sahlay inuu noqdo waddan sharci ah, kursina ku leh Qaramada Midoobay, iyo ururrada gobolka, sida Midowga Afrika, aqoonsiga South Sudan ayaa ku yimid xaalad ka duwan xaaladihii aynu kor kaga soo hadalnay, taasoo ah inuu helay aqoonsi laba dhinac ah (biletral recognition) oo micnaheedu yahay la dib kolkii uu ku dhawaaqay xaqiisa aaya-ka-tashiga, in “dawladdii hooyo” (mother state) ee uu asal ahaan ka tirsanaa waa dalweynaha Suudaan e, uu oggolaaday xaqiisa aaya-ka-tashi.

Gabagabadii, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu si cad uga hadlayaa midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida dalka, sida ku cad 1aad, 4aad, iyo 7aad, in muwaadinku u ololeeyo kalago’a dalka ama hanbalyeeyo ku xagudubka madaxbannaanida iyo wada jirka dalka, waxay ka dhigan tahay khiyaano qaran oo ay tahay in lagu maxkamadeeyo.