Hab-Qawlayiga Cusub ee Caalamku u Guuray ee Soomaaliya Lagu Soo Wajahay
Xuseen Sheekh Cali
Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS
Shalay oo ahayd 26kii Diseembar 2026, Israa’iil waxa ay dal ahaan u aqoonsatay maamul loogu yeero Soomaalilaan. Arrin muddo dheer ahayd xanshaashaq ayaa isu beddeshay ficil siyaasadeed oo lagu dhawaaqay. Ma ahayn arrin fahanxumo, xan ama madmadow siyaasadeed ah ku dhacay. Waxa ay ahayd tillaabo loo qasday. In warqaddii aqoonsiga ee Ra’iisalwasaaraha Israa’iil saxiixay loogu mahadceliyay hay’adda Moosaad ma ahayn arrin dhayal ah.
Laakiin, ugu horrayn, xaqiiqadu waxa ay tahay waa in la ogaado: tallaabada ay Israa’iil ku dhaqaaqday waxa ay khusaysaa gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya, ma khusayso dawlad madaxbannaan oo gaar ah. Ereyga “Soomaalilaan” waa in loo fahmaa gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya.
Xaaladdani waxa ay markhaati ka tahay wareerkii ugu horreeyay waxyaabo aan hore uga digay, taas oo ah sida aysan Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedu ugu diyaarsanayn sida ay uga samatabixi karaan Nidaamla’aanta Cusub ee Caalamka (the New World Disorder). Faahfaahinta nidaam-la’aantan waa ciwaan ka mid ah buuggayga cusub ee Aragtida Dawladnimada. Si kooban, waa xaalad dunidu gashay oo xeerarkii caalamiga ahaa ay daciifeen, ismaquunintii ay xargaha goosatay, dowladaha nuglaa ee iska-dabawareegga ku jirayna ay faragalin shisheeye wajahayaan.
Nidaam-la’aantaasi hadda waxa ay soo gaartay Soomaaliya.
Muxuu Aqoonsigani Yahay, Muxuuse Ahayn?
Aqoonsiga Israa’iil ee “Soomaalilaan” waxaa xasarad-abuur siyaasadeed, balse sharci ahaan waa mid aan jirin. Xitaa haddii ay dowlado kale soo raacaan Israa’iil, oo ah arrin suuragal ah, wali aqoonsiga caynkaas ahi waxa uu xadgudub ku yahay Xeerka Caalamiga ah, mabaadii’da uu ku dhisan yahay Midowga Afrika iyo nidaamka Qaramada Midoobay ee u aqoonsan Soomaaliya hal dal, oo madaxbannaan oo leh xuduuddo dunidu og tahay.
Aqoonsiga ay bixiyaan dawlado gaar ah ma keeno sharciyad. Ma abuuro shakhsiyad-daleed oo qaanuuni ah oo caalamku aqoonsan yahay. Waxba uma dhibayo xubinnimada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, sidoo kalana meesha ka saari maayo mabda’a dhowrista madaxbannanida dalalka ee la isla qaatay nidaamkii caalamiga ahaa ee gumaysiga ka dib.
In kasta oo uu halis yahay, sababaha kore awgood ayuusan haddana aqoonsiga macno-buuran u sii lahayn. Xaalad-abuur waa la samayn karaan. Buuq iyo sawaxan waa la abuuri karaa. Balse sharciyad qarannimo laguma gaaro sidaas, haddii aysan gabi ahaanba meesha ka bixin dowladda laga go’ayo.
Haddaba, halista dhab ahi kuma koobna tallaabada qar-iska-tuurka ah ee Israa’iil. Sidoo kale jawaabta Soomaaliya haddii aan taxadar lagu darin halis baa ka iman karta.
Dab Gobolka iyo Meelo Ka Fogba Hulaaqa
Ugu horrayn, arrintan soo korortay waa in lagu fahmaa maskax ka ballaaran heer-goboleedka Geeska. Gacanka Badda Cas haatan wuxuu ka mid yahay marinnada ugu halista iyo nugaylka badan adduunka. Aragti walba, ha ahaato mid xaqiiqo ah ama buunbuunin ah, oo ay Israa’iil siyaasada ahaan ama istiraatiiji ahaan uga samayso gobolka Afrika ee xiga Baabul-Mandab, waxa uu saamayn ku yeelan doonaa meelo ka baxsan Soomaaliya. Dhinacyo kale oo laga xusi karo Xuutiyiinta ayaa marmarsiiyo u heli doona in ay tallaabooyin qaadaan.
Dawlaha saamaynta leh ee heer gobolka, oo ay ka mid yihiin Sucuudiga iyo Masar, arrintan waxa ay ku eegi doonaan muraayado ku qotama amniga Badda Cas, isku-dheellitirka awoodaha gobolka, iyo tartan. Geeska Afrika kama badqabo qalalaasaha ka aloosan Bariga Dhexe, muddooyinkii u danbeeyayna wuuba soo gaarayba.
Sidaas awgeed, Soomaalida waxaa la gudboon in ay si dhab ah naftooda ugu diyaariyaan xaaladdan. Waa suuragal in cadaadisyadu intaan ka sii bataan. Khataraha dhaqaale, kuwa amniga iyo culaysyada siyaasadeedba intaba waa suuragal in ay kordhaan.
Sidaas oo ay tahay, taariikhda waxaan ka baran karnaa arrin xaqiiqo ah: dawladaha ay xaaladahan oo kale la soo darsaan ee iskuduubni la yimaada way xoogaystaan. Balse kuwa cabsada, kala daata ama siyaasado iska-dabawareeg ah ku mashquula way burburaan.
Soomaaliya waa inay Masuuliyadda Qeybteeda Qaadataa
Falcelin qaran oo dhab ah waxa ay u baahan tahay daacadnimo iyo isdhiibid-la’aan.
Midnimada Soomaaliya uma ay dhantaalmin si soobooddo ah. Waxaa dhaliyay xasuuqyo taariikhda ku xusan oo uu Taliskii Milateriga ka gaystay Gobollada Waqooyi, kuwaas oo ka tagay nabarro waaweyn. Waxaa dhaliyay sanado badan oo faquuq, kala’aaminbax, iyo iyada oo lagu guuldarraystay in nabarradaas la dhayo. Dhab ahaan tabashooyinkaasi waa gar, waana in laga garaabo.
Sidaas oo ay tahay, masuuliyadda Soomaaliya kali ah kuma eka in ay taariikhdii la soo maray ka garowdo.
Soddonkii sano ee la soo dhaafay xukuumadihii isaga danbeeyay Soomaaliya waxa ay ku guuldarraysteen in ay gobollada Waqooyi-Galbeed siiyaan mudnaan qaran oo istiraatiiji ah. Haba yaraatee ma aysan jirin siyaasad qaran oo hadafkeedu yahay in muwaadiniinta Waqooyi dib loogu soo celiyo ujeeddo cad oo heshiis lagu yahay oo dastuuri ah. Dawladdu way iska indhatirtay, iyada oo u haysata in wakhtigu daawayn doono kalaqoqobnaanta, xaaladduna si iskeed ah isaga xalismi doonto. Waxaa iska khalday iska-indhatirka iyo dulqaadka.
Muddo ka dib, tabashooyinkii sharciga ahaa waa laga badbadiyay, waa la siyaasadeeyay oo la xagjireeyay. Codkii doonista caddaaladda ahaa waxaa loo rogay aragti goosato, oo ay gadaal ka riixayaan fursado bannaanka laga soo minguuriyay iyo iscajabin gudaha ah.
Hal arrin waa xaqiiqo aan waxba laga beddeli karin: beesha Isaaq waa Soomaali iyo Muslim dhab ah. Ma aha dadka kaliya ee doonaya in dagaalsiyaasadeedku gooni u soocdo. In badan oo ka mid ah dhab ahaan way ka soo horjeedaan ficillada Israa’iil, si gaar ah xilligaan oo ay ku eedaysan tahay, qiyam ahaan iyo caalami ahaanba, jariimooyinka ay Qasa ka gaysatay. Intaa waxaa dheer in aysan ku farxi doonin in doonista Israa’iil ee ah in ay Falasdiiniyiinta dhulkooda u soo barakiciyaan.
Isa-seegga u dhexeeya siyaasiyiinta dabo socda danaha siyaasad-goboleedka (geopolitics) iyo mooraalka shacabweynaha wuxuu wiiqayaaa mashruuca gooni-goosadka.
Dareenka iyo cabsida aan qabo waa in xaaladdan si aan munaasib ahayn loo galo, taas oo dhalin karta dhibaato weyn. Xanaaqa iyo bahdilaadda ay muwaadiniinta Soomaaliyeed dareemayaan, oo ay beesha Isaaqi ku jirto, waxaa laga yaabaa in uu burburo haddii ay waayaan hoggaan dowladnimo oo ku haga aragti cad iyo xilkasnimo. Dhanka kale, xaaladdan oo kale ururrada xagjirka ah sida Alshabaab waxaa laga yaabaa in ay isku dayaan in ay ka faa’iidaystaan talaxumada Israa’iil ku dhaqaaqday, iyaga oo isku walaaqaya diin iyo waddaniyad bug ah, iskana dhigaya in ay yihiin cidda kali ah ee wajihi karta faragalinta shisheeye.
Taariikhdu waxa ay ina baraysaa marka ay dowladuhu ka labalabeeyaan ama ku guuldarraystaan in ay bixiyaan jawaabo maangal ah, qaar ka mid ah waddayiniyiinta aan asal ahaan rabshado ka shaqaynin ay isu beddelaan kooxo hubaysan. Ma aha sabab aydhiyoolajiyeed awgeed, balse waa sabab niyadjab. Taasi waa natiijada dhabta ah ee ay tahay in ay Soomaaliya ka digtoonaato, iyada oo la adeegsanayo hoggaamin suubban, isku-duubni iyo xilkasnimo qaran.
Muqdisho Weli Fursado ayay Haysataa
In kasta oo ay anfariir tahay xaaladdani, haddana Soomaaliya awood la’aan ma aha. Laakiin awooddaasi waxa ay macno yeelanaysaa marka si miyir qabta looga faa’iidaysto.
Waajibka koowaad ee Dawladda Soomaaliya waa in la raadiyo midnimo ujeeddo ku dhisan, oo aan ahayn laab-la-kac, farriimo maran ama ku sii nagaashaha xaaladdii lagu jiray.
Waa in tallaabadani ka bilaabataa gudaha.
Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u dhammaysaa masraxa siyaasadeed ee iska-dabawareegga ah ee doorashada. Dhabtii, Soomaaliya way u baahan tahay doorashooyin, balse waa in ay noqdaan kuwo heshiis lagu yahay, ee aan lagu kala fogaanayn. Madaxweynuhu waa in uu garabyada mucaaradka ugu yeeraa wadahadallo dhab ah, kuwaas oo dhabbada u xaaraya doorashooyin hufan iyo in xukunka la isugu wareejiyo si hufan.
Inta arrintaas lagu jiro, dalku waa in uu mid ka ahaadaan hal ujeeddo oo muhiim ah, taas oo ah difaaca madaxbannaanida iyo ka hortagidda hagardaamada shisheeyaha.
Doorashada Xukuumadda ka dhalata, ciddii doontaba ha hoggaamisee, waa lama huraan in lagu dhiso midnimo qaran, ka-go’naansho, iyo waddaniyad. Arrimahaas la’aantood waxba kaararka dublumaasiyadeed ma tari doonaan.
Gunaanad
Aqoonsiga Israa’iil ay siisay “Soomaalilaan” ma qeexi doono mustaqbalka gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya. Balse waxa uu bannaanka keenay khasaaraha ka dhasha iscajabinta istiraatijiyadeed ee waddan sameeyo.
Qawlaysatanadan Caalamka la iskula bareeray, madaxbannaanida laguma difaacdo nugayl, ee waxaa lagu difaacaa ka-go’naasho. Marna gacan shisheeye ma kala goyn karto dal taladiisu ku dhisan tahay is-oggolaansho. Sidoo kale, ma jiro mabda’ caalami ah oo dowlad kartixumo iyo basarxumo isku darsatay badbaadin kara.
Waa in aan taxaddarno. Waa suuragal in arrimuhu xumaadaan ka hor inta aysan fiicnaan. Arrimuhu haatan waxa ay hagaagi karaan haddii ay Soomaalidu gacmaha is qabsado oo sarakacdo.
Waxaa la marayaa xaalad adag oo la ina tijaabinayo.
Waxaa la eegi doonaa in aan si karti leh xaaladda u wajahno, ama iska indhatirno sidii dhici jirtay.