U bood dhigaalka

Hal Gacan Sacab Ma Tunto: Aqoonsiyada Dalalka iyo Siyaasadda Caalamiga ah

Irshaad M. Daahir (Tubeec)
Falanqeeye Siyaasadeed & Xeeldheere Siyaasadda Guud

Hal saxiix dal ma dhalo!

Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan, keligiis kuma filna in ay hesho aqoonsi caalami ah iyo dal madaxbannaan. Xiriirka caalamiga ah marka la joogo, dal waxaa lagu aqoonsadaa taageero ballaaran oo ka timaadda dalal badan, gaar ahaan kuwa awoodda leh iyo ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay (QM), Midowga Afrika (AU), iyo Ururka Midowga Yurub (EU). Tani waxay sidoo kale u baahantahay rabitaanka shacabka iyo dowlaha kala go’aya (tan danbe ayaa awoodda u badan leh).

Dhanka kale, maadaamma Soomaalilaan ku taallo Afrika, Midowga Afrika wuxuu door weyn ka ciyaaraa arrimaha aqoonsiga dalalka Afrika. sidaas darteed, aragtida Midowga Afrika iyo dalalka deriska ah sida Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya waa arrin aad muhiim u ah in la helo oggolaanshahooda iyo aqoonsigoodaba. Haddii Israa’iil ay kaligeed aqoonsato Soomaalilaan, balse Midowga Afrika iyo dalalka Afrika intooda kale ay ka gaabsadaan, aqoonsigaasi wuxuu ahaanayaa mid xaddidan oo aan wax badan ka beddelin xaaladda caalamiga ah ee Soomaalilaan.

Si aan arrintaas dhab ugu fahanno aan isla dhuganno tusaalayaashan dhawrka ah:

Tusaalaha 1aad: Falastiin waxaa aqoonsaday in ka badan 130 dal, haddana weli ma ahan xubin buuxda oo QM ah sababo la xiriira diidmada iyo saameynta dalal awood leh. Tani waxay muujinaysaa in aqoonsi badanba mararka qaar uusan ku filnayn, marka ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo istiraatiiji ah.

Tusaalaha 2aad: Waa Taiwan, oo leh dowlad shaqeyneysa, dhaqaale xooggan, iyo xiriir ganacsi oo caalami ah, haddana waxaa si rasmi ah u aqoonsan dalal aad u yar. Waloow ay taageero ka hesho dalal saameyn leh, haddana cadaadiska siyaasadeed ee Shiinaha awgiis, Taiwan weli ma helin aqoonsi caalami ah oo buuxa. Tani waxay muujinaysaa in danaha awoodaha waaweyn iyo siyaasadda caalamiga ahi ay ka miisaan culus yihiin aqoonsiga hal dal.

Dhanka kale, sharci ahaan, aqoonsiga hal dal keligiis kuma filna in dal cusub uu helo aqoonsi buuxa. Xeerarka xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Montevideo (1933), waxay dhigayaan in dal jiritaankiisu ku xirnaado afar shardi: dhul qeexan, dad joogto ah, dawlad shaqaysa, iyo awood uu kula xiriiro dalalka kale. Inkasta oo Soomaalilaan ay buuxin karto qaar ka mid ah shuruudahan, misana aqoonsiga caalamiga ah wuxuu weli u baahan yahay oggolaansho ka baaxad weyn inta ay haysato.

Tusaale kale oo sharci ah waa Kosovo, oo aqoonsi ka heshay dalal badan, balse weli ma ahan xubin QM, sababtoo ah diidmada qaar ka mid ah dalalka awoodda leh.

Sidaas daraaddeed, xitaa haddii Israa’iil ay aqoonsato Soomaalilaan, aqoonsigaasi sharci ahaan ma beddelayo xaaladda Soomaalilaan ilaa ay ka hesho taageero ballaaran oo caalami ah, gaar ahaanna ururrada caalamiga ah Midowga Afrika, Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay.

Gabagabo

Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan wuxuu horseedi karaa qalalaase amni, xasilloonidarro siyaasadeed iyo kalafogayn bulsho oo hor leh in ka badan inta uu faa’iido u yahay labada dhinac ee wax isla meeldhigay. Sababtuna waa: sida aan wada ogsoonnahay waxa dalka Soomaaliya ka jira ururro argaggixiso oo ka faa’iidaysta dareennada noocaas ah, dhanka kalana kuwo kale ayaa gobolka ka jira oo awood toos ah u yeelan kara inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo kuwo dariskaba.

Haddaba, aqoonsigaas dacar mooyee, daawo u keeni u maayo Soomaalilaan iyo Geeskaba. Sida aan kor ku sheegayna ma bixin doono madaxbannaani buuxda oo timirtii horaba dab loo waa; oo macneheedu yahay: dalalkii hore ayaa hal taaj aqoonsi buuxa ku heli lahaa