Masar oo Ballaarisay Ujeeddooyinka Hawlgalkeeda Ciidan ee Soomaaliya Kaddib Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Dowladda Masar ayaa ballaarisay ujeeddooyinka hawlgalkeeda milatari ee ay ka waddo Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, tallaabaasi oo ay Qaahira u aragto khatar toos ah oo ku wajahan amnigeeda qaran iyo danaha istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee Masar uu haatan yahay ilaalinta jiritaanka iyo xasilloonida dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Masar ayaa ka cabsi qabta in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu u furo Tel Aviv albaab ay kaga soo muuqato mandiqada ay Qaahira u aragto mid xasaasi ah, gaar ahaan Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Waxaa sidoo kale jirta walaac Masar ka qaba suurtagalnimada in Israa’iil iyo Itoobiya ay sameystaan isbahaysi cusub oo saameyn ku yeesha awoodda Masar ee ku aaddan Biyaha Webiga Nile, muran muddo dheer kala dhexeeyay Qaahira iyo Addis Ababa.
Khabiir milatari oo Masri ah ayaa sheegay in Somaliland ay tahay goob istiraatiiji ah oo si toos ah u saameyn karta gelitaanka Masar ee Badda Cas, isla markaana ay halis ku tahay isu-dheellitirka awoodaha Geeska Afrika.
Masar ayaa si adag uga soo horjeedda in dalal aan bad lahayn, sida Itoobiya, ay helaan marin badeed, maadaama Badda Cas ay tahay halbowlaha ganacsiga iyo amniga Masar.
Xaaladdan awgeed, Masar ayaa xoojisay xiriirkeeda istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka ah, waxayna kordhisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya tan iyo markii labada dal ay 2024 kala saxiixdeen heshiis difaac.
Masar ayaa Soomaaliya u dirtay ciidamo, lataliyeyaal amni, hub iyo taageero la xiriirta la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale qorsheyneysa ka qeybgalka hawlgal cusub oo Midowga Afrika ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in tirada ciidamada Masar ee ku sugan Soomaaliya ay gaareyso ilaa 10,000 askari, kuwaas oo dib loo habeeyay si ay ula jaanqaadaan yoolalka cusub ee Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdalcaati, ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu si buuxda u taageerayo midnimada, wadajirka iyo amniga dhulka Soomaaliya, isla markaana uu si adag u diidan yahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo abuureysa maamul kale oo ka baxsan sharciga caalamiga ah.
Inkasta oo falanqeeyayaal qaar ay hoos u dhigeen khatarta ka dhalan karta aqoonsiga Somaliland, haddana Masar ayaa aaminsan in tallaabada Israa’iil ay halis ku tahay amnigeeda, gaar ahaan xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka la xiriira Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya.