Guddoonka Baarlamaanka oo la Wareegay Qabyaqoraalka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka soojeedimaha wax-ka-beddelka ee cutubyada shanaad ilaa sagaalaad.
Cutubyadan la wareejiyay ayaa qeyb ka ah hannaanka qabyatirka dastuurka dalka ayaa, sidoo kale, waxaa weheliyay shintiriska loogu talagalay hufnaanta iyo habaynta doodda la xiriirta isbeddelladan la soojeediyay.
Tallaabadan ayaa muujinaysa horumar muhiim ah oo laga gaaray geedisocodka dib-u-eegista dastuurka, iyadoo Guddigu ay dadaal u galeen sidii ay isugu dubbbaridi lahaayeen qodobbada u baahan kaabidda iyo sixidda.
Wax-ka-beddelka cutubyadan ayaa saamayn weyn ku leh qaabdhismeedka dawladnimo iyo qeybsiga awoodaha, waxaana hadda mas’uuliyaddu u wareegtay dhanka mudanayaasha Labada Aqal oo laga sugayo inay falanqeeyaan, kana doodaan ka hor inta aan go’aan kamadanbays ah laga gaarin.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyay guddiyada shaqadii adkayd ee ay soo qabteen, waxayna sheegeen in dikumentiyadan la horgeyn doono fadhiyada soo socda ee Baarlamaanka si waafaqsan xeerhoosaadka BJFS, si loo xaqiijiyo in dalku ka gudbo dastuurka kumeelgaarka ah, una gudbo dastuur dhammaystiran oo haga nidaamka dawladnimo ee Soomaaliya.