XILDHIBAANNADA LABADA AQAL EE BJFS OO MAANTA LOO QEYBIYAY SHINTIRISKA WAX-KA-BEDBELKA DASTUURKA CUTUBYADIISA 5AAD ILAA 9AAD
Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulan wadajir ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahin iyo xubnaha kale ee guddoonka labada aqal.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 180 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31 senator oo Aqalka Sare ah, waxaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa loo qeybiyey warbixinta soojeedimaha wax-ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dastuurka, warbixinta faahfaahinaysa soojeedimaha iyo sidoo kale soojeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee cutubka 4aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka in ay soo akhriyaan soojeedimaha iyo warbixinta la socota si looga doodo.