14 Bilood oo Xabsiguri ah ka dib: Senator Ilyaas ma wuxuu u Tanaasulay Duruuf mise Danta Guud?
Dabayaaqadii Bishii November ee sanadkii 2024-kii ayaa xabsi guri looga dhigay Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ee Jubbaland, Senetar Ilayaas Badal Gaboose oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xiligaas oo uu dib isugu caano shubay Axmed Maxamed (Islaam Madoobe).
Senetar Ilyaas oo xilligaas ayaa musharax u taagan qabashada xilka madaxtinnimada Jubbaland ayaa markii uu Axmed Madoobe is doortay, anna ku dhawaaqay inuu ku soo baxay doorasho kale oo isla Kismaayo ka dhacday, balse Axmed Islaam oo halis weyn u arkay arintaan ayaa qaadday tilaabo uu xabsi ku geliyay senetarka.
Dhankiisa Senetar Ilyaas Maalintii uu ku dhawaaqay inuu dhankiisa asna yahay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland waxaa uu dhambaallo hambalyo ah ka helay masuuliyiin ka tirsan DF oo ay ugu horeeyaan xildhibaannada labada gole ku matala maamulka Jubbaland qaarkood, balse hambalyada ka sokow xorriyadiisa cidina xil iskama saarin loomana gurman intii uu xabsi guriga ku jirey.
14-bilood oo uu ku jiray xabsi gurisaas Senaterka ma jirin dadaalo Muuqada oo loogu gurmanayo iyo Isku dayo xirriyadiisa uu ku helayo waxaana ugu dambeyn uu isku dhiibay Axmed Madoobe oo in kasta oo dowladdu ay qaadacday natiijada doorashadiisii, hadana looga yeerayo fagaarayaasha wada hadaladda ee lagu jaangoynayo masiirka umadda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin reer Jubbaland oo uu isagu Miiska u fadhiyo.
Senetarka waxaa la sheegay in uu ka tanaasulay sheegashadiisa in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana xalay uu dib helay xorriyadiisa kadib markii ay wada kulmeen Axmed Madoobe oo sheegay in la isku afgartay in danta guud laga wada shaqeeyo.