U bood dhigaalka

Iiraan oo xirtay marin biyoodka Hormuz, kuna hanjabtay inay gubi doonto markab kasta oo soo gala

Xiisadda u dhaxaysa Iiraan, Israa’iil iyo Maraykanka ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan  uu ku dhawaaqay in Marin-biyoodka Hormuz la xiray, isla markaana markab kasta oo isku daya inuu ka gudbo la weerari doono.

Ebrahim Jabari, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa sida ay baahisay warbaahinta dowladdu sheegay in ciidamada badda ee IRGC iyo kuwa caadiga ah gubi doonaan maraakiibta haddii la jebiyo amarka xiritaanka.

Wuxuu intaa ku daray in Iiraan ay beegsan doonto dhuumaha shidaalka, isla markaana aan hal dhibic oo saliid ahi ka bixi doonin gobolka.

Hanjabaaddan ayaa timid iyadoo dagaal toos ah uu qarxay kadib weerarro ay Israa’iil iyo Maraykanku ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

Weerarradaas waxaa lagu dilay Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamenei, iyadoo Tehran ay ilaa haatan waddo weerarro aargoosi ah oo gobolkoo dhan ka socda.

Hormuz waa marin badeed u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan, waana halbowlaha ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, iyadoo ku dhowaad 20 boqolkiiba sahayda saliidda caalamka kamid ahi ay halkaas marto.