U bood dhigaalka

Israa’iil oo xirtay Masjidka barakaysan ee Aqsa

Sida ay baahisay warbaahinta middle east aye ciidamada Israa’iil ayaa xireyay albaabada Masjidka Al-Aqsa maalintii saddexaad oo xariir ah, iyagoo ka hor istaagay Muslimiinta Falastiiniyiinta ah inay ku tukadaan goobtan barakeysan xilli lagu guda jiro bishan  Ramadan.

Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay xiritaanka masjidka Subaxnimadii Sabtidii, iyagoo ka eryay dadkii halkaas u tukaday, isla markaana xannibay gelitaanka xilliyada cishaha iyo Salaadda Taraawiixda.

Sababta ayaa lala xariiriyay amni darro iyo xaalad degdeg ah, taasoo sababtay in albaabada la xiro lana xoojiyo gelitaanka iyo ku cibaadaysiga masjidka barakeysan.

Xiritaanka Masjidka Al-Aqsa ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad weyni ka taagan tahay Bariga Dhexe, kadib weerarradii ay Israa’iil iyo Mareykanku ku qaadeen dalka Iiraan iyo falcelinta Tehran.

Al-Aqsa waa mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka, waana masjid ay Muslimiintu si weyn u qiimeeyaan, gaar ahaan bisha Ramadan oo ah waqti ay kumanaan muslimiin ah maalin kasta u soo galaan si ay u tukadaan.