Safaaradda Maraykanka ee Sucuudiga oo dab qabsaday, ka dib markii diyaarado Drones ah lagu weeraray
Safaaradda Maraykanka ee caasimadda Sacuudiga, Riyadh, ayaa lagu weeraray laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn, waxaana ka kacay dab gudaha xarunta, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca ee Sacuudigu.
Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in weerarku uu sababay khasaare hantiyeed, isla markaana dabkii ka dhashay uu ahaa mid xaddidan oo si degdeg ah loo xakameeyay.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in aan wax khasaare naf ah la soo sheegin, ayadoo
Wararku ay tilmaamayaan in weerarku dhacay subaxnimadii hore ee Talaadada, iyadoo qiiq madow lagu arkay Xaafadda aagga safaaradda, halkaas oo ay ku yaallaan safaarado badan oo shisheeye.
Ilo ku dhow milatariga Sacuudiga ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirku uu soo riday afar drone oo ku wajahnaa aagga safaaradda, halka Laba ka mid ah la sheegay inay gaareen bartilmaameedkooda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in maamulkiisu uu ka aargoosan doono weerarka safaaradda, balse ma soo hadal qaadin weerarka joogtada ah ee ku socda dalalka Khaliijka.