U bood dhigaalka

Iiraan oo dil toogasho ah ku fulisay dad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen Rabshado dalkaasi ka dhacay

Maarso 19, 2026

Hay’adda garsoorka ee dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday fulinta xukun dil ah oo lagu riday saddex qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshado ka dhacay magaalada Qum bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Sida ay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaasi sheegtay, maxaabiistan ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin kicinta qalalaasaha, weerarro ka dhan ah ammaanka dadweynaha, iyo falal lagu tilmaamay inay halis gelinayeen xasilloonida qaranka.

Xukunka dilka ayaa la fuliyay kaddib markii ay soo mareen heerar kala duwan oo maxkamadeed, sida ay sheegeen masuuliyiinta garsoorka.

Rabshadahan ka dhacay Qum ayaa qayb ka ahaa mudaharaadyo ka dhacay qaybo kala duwan oo Iiraan ah, kuwaas oo ka dhashay cabashooyin la xiriira xaaladda dhaqaale iyo arrimo siyaasadeed.

Dowladda Iiraan ayaa si adag uga jawaabtay mudaharaadyadaas, iyadoo qaaday tallaabooyin amni oo ballaaran,
Dhinaca kalena, hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa marar badan walaac ka muujiyay adeegsiga xukunka dilka ee la xiriira mudaharaadyada, iyagoo ku baaqay in la xaqiijiyo cadaalad hufan iyo in la ilaaliyo xuquuqda eedeysanayaasha.