Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho oo loo dhan yahay, taas oo ku dhisnaan doonta hufnaan iyo dhowrista shuruucda dalka.
Wasaaraddu waxay caddeysay in doorashadu tahay xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, iyadoo door muhiim ah ka qaadanaysa xoojinta kalsoonida dadweynaha iyo ka qaybgalka bulshada ee doorashada cidda ku matalaysa hay’adaha kala duwan ee dawladda.
Geeddi-socodkan doorashooyinka ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo mid toos ah, xor iyo xalaal ah, laguna saleeyo mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh hannaankan ay dhowaan gudan doonaan waajibaadkooda qaran si waafaqsan sharciga, iyadoo Dowladda Federaalku ay mar kale ku celisay ka go’naanshaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan oo dalka horay u qaada.