Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in dowladda Iiraan ay adeegsatay gantaal cusub oo riddo dheer leh, kaas oo la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 4,000 km (afar kun oo kiilomitir).
Tallaabadan ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka caalamka, gaar ahaan maamulka Israa’iil iyo Mareykanka oo ka muujisay walaac amni.
Wasaaradda Difaaca Israa’iil ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in gantaalkan cusub uu leeyahay awood uu ku gaari karo dalal badan oo ku yaalla Yurub, sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka.
Sidoo kale, waxay tilmaamtay in gantaalladani ay gaari karaan qaybo ka mid ah qaaradda Afrika, taas oo kordhinaysa heerka khatarta ee ay arkaan.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horreysay tan iyo bilowgii colaadda oo ay Iiraan waxay ridday gantaal gaari kara qiyaastii 4,000 km, sida lagu yiri bayaanka.