U bood dhigaalka

Sucuudiga oo ku hanjabay inuu qaadayo Tallaabooyin adag oo looga jawaabayo weeraradda Iiraan

Maarso 22, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay falal gardarro ah oo ay Iiraan ka waddo gobolka, kuwaas oo ay sheegtay inay si toos ah u beegsanayaan amniga iyo xasilloonida Boqortooyada iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka Iiraan ay khatar ku yihiin madaxbannaanida Sacuudiga, amniga muwaadiniinta, iyo sidoo kale danaha dhaqaale iyo xarumaha diblomaasiyadeed ee dalka.

Dowladda Sacuudiga ayaa arrintan ku tilmaantay mid jebinaysa xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da deris wanaagga.

Sidoo kale, bayaanka ayaa xusay in falalkan ay ka hor imaanayaan heshiisyada iyo qaraarada caalamiga ah, oo ay ku jiraan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2817 (2023), taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo xiisadda gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa caddeysay in tallaabooyinkan ay horseedi karaan kor u kac ku yimaada xiisadaha siyaasadeed iyo amni darro ka dhalata gobolka, taas oo saameyn ku yeelan karta xiriirka hadda jira iyo kan mustaqbalka.

Dhanka kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay inay qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo degdeg ah, iyadoo ku wargelisay safiirka Iran iyo xubno ka tirsan shaqaalaha safaaradda inay dalka ka baxaan muddo 24 saacadood gudahood ah, kadib markii lagu eedeeyay falal aan waafaqsaneyn xeerarka diblomaasiyadda.

dowladda Sacuudiga waxay ku adkeysatay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso ammaankeeda, madaxbannaanideeda, iyo badqabka muwaadiniinteeda, iyadoo tixraacaysa qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay oo u oggolaanaya dalalka inay is difaacaan.

Bayaankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iran iyo dalal dhowr ah oo gobolka ah, taas oo sare u qaadaysa walaaca caalamiga ah ee ku saabsan xasilloonida Bariga Dhexe.